golis

Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka oo u dhoofay Dalka Mareykanka

Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Wefdi uu hogaaminaayo Raysalwasaaraha ayaa lagu wadaa in magaalada Newyork ee xarunta Qaramada Midoobay ka qaybgalaan shir looga hadli doono xaaladda Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ka dhici doona magaalada Newyork oo dhowaan furmi doona ayaa lagu wadaa Raysalwasaaruhu inuu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlaayo xaaladihi ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo dadaalada ay wado Xukuumadiisa oo ku aadan la wareegida amniga dalka.

Bishii January ayay ahayd markii Raysalwasaaraha uu magaalada Newyork kaga qaybgalay shir looga hadlaayay xaaladda Soomaaliya isla markaana khudbad ka jeediyey.

Horseed Media