Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha oo Xilkii Kororsadey Muddo Sanad Ah Dibna u Dhigay Doorashadii

Published: March 27, 2011

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta (Axad) isugu yimaadeen golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ayaa looga hadley arrimo badan oo muhim , waxaana golaha Wasiiraddu qaadaa dhigeen mudadii yarayd ee ay xafiiska joogeen wixii ay qabteen.

Warmurtiyeed laga soo saarey shirka ayaa lagu sheegay sidan:

Markuu arkay golaha Wasiiraddu in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah.

Arintan ayaa imaanaysa iyadda oo maalinta berri ah Xildhibaanada baarlamaanku u balansan yihiin shir muhim ah kaas oo ay ku dhisayaan guddiga doorashada, waxaana ceeryaamo isku qarisey qorshaha kala guurka oo qoliba dhan la aadey, Baarlamaanka oo Saddex sano ku darsadey, Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha oo maanta ku dhawaaqey in ay hal sano ku darsadaan si loo dhameeyo hawlaha qabyada ah, Beesha caalamka oo mawqifkooda saxda ah marna aan caddeyn laakiin ka soo horjeestey ku darsashada Baarlamaanka, Puntland oo aaminsan in shir loo dhan yahay la qabto. Si kastaba ha ahaatee todobaadkan gudihiisa ayaa la rajaynayaa in isbedelo waaweyn ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay aragtiyada is diidan ee Goloyaasha Dawladdu ay bilaabaan in qoloba qolada kale meesha ka saarto.

Hoos ka akhri Warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Go’aanka Golaha Wasiirada

Muqdisho, March, 27.2011———Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo loogana dooday Qorshaha Marxaladda kala guurka ah ee uu Dalka marayo.

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha siyaasadda, sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan:-

  • Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.
  • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban).
  • Dowlad Wanaag.
  • La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
  • Dhameystirka Dastuurka Qabyada.
  • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah.
  • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya.
  • Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka.
  • Dib u Dejinta Barakacayaasha.
  • Dib u Heshiisiin Dhameystiran.
  • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon
media@opm.gov.so

Faaladda Hore waxaa iska leh Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *