golis

Golaha Wasiiradda Federaalka oo Ka Digey Maamul Goboleedyada Aan Sharciga Waafaqsanayn

Golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkoodi maanta uga hadley maamul goboleedyada ama dawlad goboleedyada dhismahoodu muddooyinkaan danbe ku soo batay dalka Soomaaliya, kuwaas oo inta badan looga dhawaaqo dalal aan Soomaaliya ahayn.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in axdiga kumeelgaarka ah uu qabo in la dhiirigeliyo lana taageero Dawlad goboleedyada kahor inta aan la samayn axdiga kumeelgaarka ah jirey, sida ku cad axdiga waxaa Dawlad Goboleed noqonkara laba gobol iyo ka badan, kuwaas oo kamid ah 18-kii gobol ee dalka Soomaaliya ahaa ka hor 1991.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in waxkasta oo aan ku imaan qaab sharciga aan waafaqsanayn, waxay noqonayaan waxba kama jiraan.

Ugu danbeyntii Golaha Xukuumadda ayaa ugu baaqdey umadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wada noolaanshahooda oo aan la dhaawicin marnaba.

Arintan ayaa imaanaysa iyada oo maamul goboleedyada magaca keliya huwan ay aad ugu soo bateen dalka Soomaaliya, tan iyo Markii dalwadda Maraykanku ay sheegtay in ay bilowdey Istratiijiyad cusub oo laba weji leh mid ay ku taageerayso Dawladda federaalka iyo Mid ay ku taageerayso maamuladda dalka ka dhisan.

Horseed Media