golis

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kan Booliska oo La Magacaabey

Raysalwasaare Farmaajo oo la taagan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen.Cabdulqaadir Sh.Cali

Golaha Xukuumadda Federaalka ayaa shir aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen xaruntooda waxa ay ku magacaabeen Taliyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo kan Booliska.

Kulankii golaha wasiirada oo uu guddoominaayey Raysalwasaare Farmaajo ayaa loo magacaabey taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini.

Taliyaha cusub ayaa kamid ahaa saddexdii nin ee isugu soo harey markii Madaxweyne Shiikh Shariif uu xulaayey qofka noqonaaya Raysalwasaaraha, dawladdii Maxamed Siyaad Barre  wuxuu noqday taliyaha Booliska/ Millateriga ah (Police force), kuwaas oo loo aqoon jirey Koofiyad Cas.

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale isku raacey in G/Sare.Shariif Shiikhuna Maye noqdo taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Dr.Shariif Shiikhunaa Maye ayaa haa sharciyaqaan ka soo baxay jaamacaddii Soomaaliya waxaana uu wax ku bartey dalka talyaaniga, isaga oo muddooyinkii danbena ku noolaa dalka Sweden, Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale isku raacay in Taliye xigeenka Booliska uu noqdo  G/le sare C/xakiin Daahir Saciid Xaashi.

Dhawaan ayaa Madaxweyne ShiikhS hariif xilalkii ka qaadey dhamaan taliyaasha ciidanka, waxaana weli aan la magacaabin Taliyaha ciidanka Asluubta iyo kan Nabadsugidda

Horseed Media