golis

Raysalwasaare Farmaajo oo Magacaabey Wasiiro Cusub

Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku dhaqaaqey liis cusub oo u badan wasiiru dawlayaal kuwaas oo ka mid noqon doona Golaha Xukuumaddiisa. Magacaabista Wasiiru Dawlayaashan oo maalmihii la soo dhaafey aad loo hadal hayey ayaa kor u qaadaya tirada xukuumaddii koobneyd ee uu balan qaadey Raysalwasaare Farmaajo.

Wasiiru Dawlayaasha iyo Wasiirkuxigeenada  ayaa dhamaantood ka wada tirsan Baarlamaanka Federaalka, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay tahay olole siyaasadeed oo Raysalwassaare Farmaajo ku soo jiidanaayo Xildhibaanada Baarlamaanka oo muddooyinkii danbe u muuqdey kuwo xididadda u siibaya Xukuumadda Farmaajo iyo Madaxweynaha, isla markaana mindida u aslaayey doorasho dhacda bisha August 2011.  Sidoo kale dad badan ayaa is weydiinaya baahida hadda loo qabo tiro intaas le’eg oo wasiirada ah iyada oo khilaaf u dhexeeya Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka uu taagan yahay, isla mjarkaana aan weli laga jawaabin dalabkii Xukuumadda ee ahaa in waqti dheeraad ah la siiyo. Dhanka kale Baarlamaanka Federaalka oo isaguna haya waddo ka duwan tan xukuumadda ayaa maanta ku dhawaaqey Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Shirguddoonka ee Bisha August 2011.

Hoos ka akhri Liiska Wasiirada Cusub:

War-Saxaafadeed:

(Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 31/ 2011)Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed  ayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay  11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay.

Munaasabadan oo ka dhacday  xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku xigeenka  ahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u akhriyay liiska oo u qornaa sidan:

  1. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta.
  2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
  3. Mudane Feysal Cumar Guuleed  wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
  4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
  5. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
  7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.
  8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
  10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Horseed Media