golis

Ra’isal Wasaare Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Ra’isal Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,kadib markii dhowaan uu ka soo qaybgalay shirkii Golaha Amaanka ee QM ee ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo safarkiisa ay ku wehliyeen xubno katirsan xafiiskiisa ayaa waxaa siweyn ugu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho xubno katirsan baarlamaanka Dowladda Faderaalka iyo Golihiisa Wasiirada.

Ra’isal Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu dhowaan warbixin uu ka siiyay saxaafadda safarkiisa Mareykanka iyo dagaalka ay dowladda kula jirto xoogaga ka soo horjeeda.

Ra’isal wasaare Farmaajo ayaa ka soo qaybgalay kulankii 11-kii bishan Golaha Amaanka ee QM ay ku yeesheen magaalada New York kaasi oo siweyn looga hadlay xaaladda ka jirta dalka Somaliya,islamarkaana loogu baaqay masuuliyiinta DKMG inay qabtaan doorashada madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kahor inta aan la gaarin 20-ka bisha Augosto ee soo socto

Horseed Media