golis

Ra’isal Wasaare Farmaajo oo eedeeyay Afhayeenka baarlamaanka DKMG Somaliya

Ra’isal Wasaaraha Dowaldda KMG Somaliya ayaa ku’eedeeyay gudoomiyha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ka soo horjeedo in xal laga gaaro khilaafka ka dhedxtaagan masuuliyiinta Dowladda Faderaalka ee Somaliya,isagoona dhinaca kale sheegay inuusan furin kalfadhigii baarlamanka ee DKMG Somaliya.

Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo ka hadlayay shir jara’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in sababaha aan xalka looga gaarin khilaafka ka dhextaagan masuuliyiinta dowladda inay ugu wacantahay gudoomiyha oo doonayo inuu qayb ku yeesho dowladda sida uu hadalka udhigay.

“Gudoomiyaha baarlmaanka waxaa uu doonayo ayaa ah gorgortan uu ku doonayo inuu qaybkaga noqdo xukuumadda”ayuu yiri Ra’isal Wasaare Farmaajo oo dhinaca kale sheegay inuu afhayeenka baarlamaanka uu kasoo horjeestay kulamo xukuumadiisa ay doonaysay inay la yeelato gudiyada baarlamanka ee DKMG taasi oo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka ka dhextaagan masuuliyiinta dowladda.

Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa xusay inuu afhayeenka baarlamaanka uu ka soo horjeedo inuu dib u furmo kalfadhigii baarlamaanka Somaliya ee magaalada Muqdisho,,waxaana eedeyntaasi uu dusaha ka saaray Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Dhinaca Kale Ra’isal wasaaraha ayaa shaki galiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhaco xiligaan shirkii ay ku baaqeen beesha caalamka,kaasi oo la isugu keenayo siyaasiyiin iyo bulshada Somaliyeed,waxaana uu sheegay Farmaajo in shirkaasi uusan la qaban watiga la qorsheeyay inuu furmo taasi oo ku beegan bartamaha bisha June.

Horseed Media