golis

Farmaajo oo Soo Dhaweeyey Shirkii Wadatashiga Soomaalida

Raysalwasaarihii hore ee Dawladda KMG ah Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in si weyn usoo dhaweynayo Shirkii Wadatashiga ee ka ka dhacay Muqdisho.

Mudane Farmaajo oo lahadlaayey Saxaafadda isaga oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa ku timaamay Shirkii Wadatashiga ee lagu qabtay Muqdisho mid ahmiyad weyn u lahaa Soomaalida.

Raysalwaarihii hore ayaa sheegay in Qodobadii kasoo baxay inta uu socday Shirku watashiga ay yihiin muhiim balse loo baahanyahay ku dhaqankooda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ergadii ka qeybgashay Shirka wadatashiga in sida ay tahay u Fuliyaan wixii kasoo baxay Shirka.

Si kastaba Shirkii wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyey Muqdisho shalay ayaa la filayaa in wajigiisa labaad lagu qabto Garoowe.

Horseed Media