Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo horjeestay xil ka qaadisti gudoomiyaha baarlamaanka

Published: January 1, 2012

Madaxweynaha Dowlada FKMG Somalia Shiiq Shariif Shiiq Axmed ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay go,aanki ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ku gaareen in ay xilki uga qaadeen afhayeenka baarlamaanka.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay galabta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanan la aqbali karin go,aankaasi oo uu ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo lidna ku ah dowladnimada.
Shiiq Shariif ayaa ku eedeeyey xildhibaanadaasi in ay ku heshiiyeen in ay car qaladeyaan habsami u socodka dowlada iyo sidi ay u kala qeybin lahaayeen umada Soomaaliyeed maadaama ay ka war qabaan heshiiski Kampala oo dhigayey in aanan wax mooshin ah laga soo diyaarin karin madaxda dowlada.
Shariif Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyey in baarlamaanka lagu sameyn doono dhimis iyo dib u habeyn taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii magaalada Garoowe ee dhinacyada siyaasada Soomaalida.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dhamaan umada Soomaaliyeed iyo ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan dalka sanadka cusub isaga oo u rajeeyey inuu sanadkaan ka dhigo sanad nabad iyo barwaaqo u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Bishi December 13-keedii ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku dhawaad 300 oo mudane waxay xilki uga qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan, hase yeeshee waxaa go,aankaasi marki danbe diiday madaxda dowlada oo si maldahan uga hadlay iyo beesha caalamka.
Hadalka madaxweynaha ayaa ah kii ugu danbeeyey ee qilaafka baarlamaanka, waxaana dadka lafa guro siyaasada ay leeyihiin warka madaxweyne Shariif wuxuu u muuqdaa mid soo gaba gabeeyey culeyski afhayeenka baarlamaanka ka heystay dhinaca xildhibaanada ku kacsan.
Horseed Media