Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Cumaan [Sawiro]

Published: February 3, 2012

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyoWarshadaha Puntland Mudane, Maxamuud Xaaji Xayir Ibraahim oo booqasho rasmi ahkujooga dalka Cumaan ayaa halkaas kulamo kaladuwan kula qaatay Hogaankajaaliyada Puntland ee kusugan dalka Cumaan, Xubno badan oo kamid ah ganacsatadareer Puntland, Hogaanka rugta ganacsiga iyo Warshadaha ee gobolka Dufaar eedalka Cumaan iyo xubno kale oo aad u badan isagoona booqday meelo muhiim ah ookuyaala gobolkaas halkaasoo uu soo indhoindhayayey sida habsamida leh ee uu usocda ganacsiga Puntland iyo Cumaan.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntlandayaa kulan taariikhi ah la qaatay Dhigiisa Gobolka Dufaar ee dalka CumaanMudane, Cabdalla Saalin Bin-Rayaas iyadoona kulankaas oo mudo badan soconayeylooga hadlay arimo badan oo quseeya ganacsiga labada dhinac iyo sidii loo siikordhin lahaa loona balaarin lahaa isfahanka dhanka Ganacsiga ee labada dhinac,Gudoomiyaha rugta ganacsiga ayaa Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey halkaasiyadoona ay Dawlada Cumaan madaxdeeda Rugta ganacsiga u qaabilsan gobolkaDufaar ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin xiriirka balaaran ee dhanka ganacsigaah ee ay Puntland la wadagaan taasoo ay ku tilmaamay mid muhiim u ah jiritaankaiyo hormarka shacabka labada dhinac.

Mudane, Maxamuud Xaaji Xayir ayaa isna dhankiisa sheegeyin guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ay abaal u hayaan shacabka reer Cumaan oouu sheegey inaysan marna kala maarmin, Dhanka kalena Wuxuu Gudoomiyaha rugtaganacsiga ee Puntland dhigiisa gobolka Dufaar u sheegey in Puntland ay diyaar utahay inay sii labajibaarto ganacsiga iyo iskaashiga ay la leedahay DalkaCumaan taasoo uu sheegey inay tahay mid soo jireen ah iyadoona kulankaasi uujawi is afgarad ah kusoo idlaaday.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyoWarshadaha Puntland Maxamuud Xaaji Xayir Ibraahim ayaa booqday Dekeda Salalahoo ah dekeda ugu balaaran ee ganacsiga Puntland iyo Cumaan laf dhabarta u ah taasooah halka laga dajiyo xoolaha Puntland laga dhoofiyo islamarkaasna badeecadu ayPuntland uga timaado Waxaana uu usoo arkay sida ay shaqadu u socoto oo ahaydmid dardar leh.

Sidoo kalena Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo WarshadahaPuntland Wuxuu la kulmay jaaliyada Puntland ee halkaas ku nool kuwaasoo uu ugawarbixiyey xaalka guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaana kan deegaanada Puntlandisagoona si gaar ah uga warbixiyey Xaalada Ganacsi ee Puntland, Gudoomiyahaayaa dhankiisana Warbixin ka dhagaystay Ganacsatada halkaas ku nool oo ugawarbixiyey xaaladooda, shaqadooda iyo Caqabadaha hortaagan iyagoona Amaan usoojeediyey Shaqada adag ee ay qabato Rugta ganacsiga ee Puntland oo mudooyinkii udanbeeyey sii labajibaartay shaqadeedii.

 

Horseed Media