Faallo: Xukuumadda Puntland Ma Mudan Tahay Muddo kordhin? [Qaybta 1-aad]

Published: February 9, 2012
Shares8
Hordhac.
Xukuumadda Puntland ma mudantahay mudo kordhin ??? Waa faaalo ka kooban sadex qaybood taas oo aanu Qaybta hore kaga hadli doono Doorashadii Madaxweynaha talada haya, Dhismaha Xukuumadiisa & Waxa u qabsoomay mudadii 3 sano ahayd ee ay joogtay Xafiiska Qaybta labaad waxaanu ku eegi doonaa Caqabadaha soo wajahay iyo waxyaabaha ay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan mudadaas, Qaybta sadexaad oo ah qaybta u danbaysa faaladan uguna muhiimsan waxaanu kaga hadli doonaa Dastuurka cusub, Dhaqan gelistiisa, Muranka ka taagan Mudada Xukuumad Joogayso Xafiiska & baahiyaha ugu waaweyn ee laga sugayo inay Xukuumadu wax ka qabato intaysan banayn Xafiiska dhanka kale waxaanu Jawaab ugu dooni doonaa Su`aasha faaladdan, Anagoo fariimo ugu gubin doona Xukuumada, Qaybaha Bulshada & Siyaasiyiinta ka rajo qaba inay u tartamaan hogaanka Dalka.

Qaybta Kowaad.

Doorashadii Madaxweyne Faroole.

8 January, 2009 waxaa Xafiiska Madaxweynaha Puntland loo doortay Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) halka Ku xigeenkiisa loo caleemo saaray Gen: Cabdisamed Cali Shire wuxuuna sidaa ku noqday Madaxynihii 4-aad ee loo dhaarsho Hogaanka Puntaland.

Dr. Faroole maahayn shakhsi ku cusub saaxada Siyaasadda Puntland wuxuuna la soo shaqeeyey sadaxdii Madaxweyne ee uga horeeyey Xafiiska isagoo ka soo qabtay xukuumadihii soo maray Puntland jagooyin muhim ah sida Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta waxaa lagu tilmaamaa siyaasi go`aan adag isla markaana aan ka laaban mawqifkiisa isagoo dagaal siyaasadeed oo Guul & Guuldaraba u horseeday la soo galay Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi & Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi.

Dr. Faroole x Madaxweyne Xaashi: Dr.Faroole Wuxuu ka ahaa Xukuumadii Coll: Yuusuf & Maxamed Cadi Xaashi Wasiirka Maaliyada kadib markii uu Hogaamiyihii Puntland u anbabaxay Wadanka Kenya si uu uga qayb galo shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya markiiba waxa soo baxay khilaaf u dhexeeya Ku simihii Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi & Wasiirkiisii Maaliyada wuxuuna khilaafkaasi salka ku hayey qaabka loo maamulayo Miisaniyada Dalka & mudo kordhin ay damacday Xukuumadii wakhtigaas jirtay talaabadaas oo Dr.Faroole si adag uga horyimi kuna lumiyey xilkiisii Wasiirnimo.

Dr. Faroole x Gen: Cade Muuse: Markii Hogaanka Puntland loo doortay Gen: Cade wuxuu Wasiirka Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga u magcaabay Dr. Faroole oo gacan weyn ka siiyey sidii uu ugu guulaysan lahaa wareegi u danbeeyey Doorashada markiiba waxaa soo kala dhexgalay labada masuul dagaal Siyaasadeed sababay gacan ka hadal kaas oo salka ku hayey qaabka loo maamulayo Shirkado Shidaal ka baarayey Deegaanada Puntland murankaas oo ku soo dhamaaday in xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirkii Qorshaynta isaguna uu bilaabo olole siyaasadeed oo dhabada ugu xaaray inuu ku guulaysto hogaanka Puntland.

Dadka intii badani wexey u arkayeen Nin samayn kara isbedel xogolaalna u ah Dalka sida uu laf ahaantiisu ka horcadeeyey Baarlamaanka 2 maalin ka hor Doraashadiisi 6/01/2009 wakhti uu u so bandhigayey qorshihiisa Mudanayaasha Baarlamaanka kana codsanayey inay codka siyaan waxaana hadaladiisi ka mid ahaa: ( Mudanyaal Dalku manta wuxuu ku jiraa xaalada adag wuxuu u baahn yahay siyaasi rug cadaa ah una war haya xaalaada Dalku ku sugan yahay si uu uga saaro dhibta sidayda ), inta badan siyaasiyiintii loolanka kula jiray Dr.Faroole ma ahayn kuwo xogogaal u ah Dalka wexeyna u badnaayeen kuwo ka soo hayaamay qurbaha ayna sidato jidbo isbedel doon.

Mudadii uu ku jiray ololaha Doorashada wuxuu sameeyey balan qaadyo aad u tiro badan waxaana ugu muhimsanaa soo celinta Magaalo madaxda Gobolka Sool mudo 1 sano gudaheed ah, inuu Dalka u horseedi doono nidaamka Asxaabta badan, Kubcinta Dhaqaalaha Dalka, hagaajinta Adeegyada Bulshada, Maamul wanaag, la dagaalanka Burcad badeeda & musuqbaasuqa

Dhismaha Xukuumada Madaxwene Faroole .

1 usbuuc kadib markii hogaanka Dalka loo doortay Dr. Faroole & Ku xigeenkiisa Gen: Cabdisamed wexey soo dhiseen Gole Wasiiro oo noqday Golihii ugu tirada badnaa ee soo mara Puntland iyagoo ku so daray xubno horay uga tirsanaa Xukuumadii Gen: Cade, Xubno ku cusub saaxada Siyaasada & 3 ka mid ahaa Siyaasiyiinti kula herdamay hogaanka Dalka inkasta oo markiiba ay iska casileen xilalki loo magcaabay 2 ka mid ahaa waxaana loo arkayey xukuumada cusub mi ay ku badan yihiin xubno aqoon yahano ah kana soo bixi kara hawlaha loo idmaday.

Xukuumada oo ahayd mid cusub waxaa haystay caqabado badan oo u baahnaa Dulqaad & in si Masuuliyadu ku jirto loo maareeyo waxaana ka mid ahaa Dhaqaale xumo, Dowladii hore oo ku macasalaamaysay Deymo aad u tiro badan, Kala daadsanaan ka jirtay Hay`adaha Dowlada gaar ahaan Ciidamada, Burcad badeeda oo noqotay masiibo caalami eedeedana qayb laga siinayey maamulka, maqnaanshaha Gobolka Sool, Colaado u dhexeeyey beelaha & Amniga Puntland oo ahaa mid aan hagaagsanayn iyadoo la oran karaa Xukuumadani kama aysan dhaxlin wax la taaban karo Xukuumadii ka horaysay aan ka ahayn Magaca: (Dowlada Puntland) & inay si hufan ugu wareejisay taladii Dalka .

6dii bilood oo u horaysay Xukuumadu waxay ahayd mid socod barad ah isla markaana la daala dhacaysay sidii ay u maarayn laheed dhibaatooyinka Dalka ka jira xididana ugu aasi lahayd Maamulkeed .

Waxqabadkii Xukuumada.

Mudadii sadexda sano ee ay joogtay Xukuumadani Xafiiska waxay qabatay waxqabad aad u badan aana la xaqiri karin iyadoo la oran karo waa Xukuumadii ugu waxqabadka fiicanayd ee soo marta Puntland waxaana ugu muhimsanaa waxqabadkeeda oo aan faaladan kaga xusi karnaa:-

  • Diyaarinta & Ku dhaqanka Miisaaniyada isu dheeli tiran Dakhli/Kharash.
  • Bixinta & saray u qaadida Musharaadka Shaqaalaha & Adeegyada kale.
  • Dhisida Hay`adaha Dowladda.
  • Xoojinta & Habaynta Laamaha Amaanka (Ciidamada).
  • Kobcinta Siyaasada Arrimaha Dibada.
  • Qabashada Kulamo & Shirar ay isugu yimaadeen qaybaha Soomaalidu.
  • Arrimaha Bulshada.
  • Maaraynta Deeqaha Beesha Caalamaka & la xisaabtanka Hay`adaha Caalamiga ah.
  • La dagaalka Musuq maasuqa.
  • La Dagaalanka Burcad badeeda.
  • Samaynta Calanka, Astaanta, Heesta calanka & kor u qaadida munaasabada 1 Augost.
  • Tayeynta Shaqaalaha.

Samaynta & ku dhaqanka Miisaaniyada isu dheeli tiran .

Markii lagu dhawaaqay Golaha cusub waxaa loo dhiibay Wasaaradda Maaliyadda oo ah tan ugu muhimsan Puntland masuulna ka aha Miisaaniyada Dowladda Dr. Faraax Cali Jaamac (Afbalaar) oo ahaa nin ku cusub masraxa Siyaasada Puntland aana horay wax jagooyin ah uga soo qaban, waxaa horyaalay Wasaaraddan Shaqooyin & caqabado aad u tiro badan sida Diyaarinta Miisaaniyada, Saray u qaadida Dakhliga, Bixinta Kharashaadka Dowladda.

Wakhtiga la haystay oo ahaa mid yar aana saamixi karin in la sameeyo Miisaaniyad cusub oo Dalku yeesho iyo iyadoon laga warqabin Dakhliga rasmiga ah ee soo xeroon kara Dowladu wexey go`aan ku gaaratay mudo 3 bilood ah inay ku sii shaqayso Miisaaniyadii Dowladii ka horaysay ee sanadka 2008 taas oo lagu sheegay qoraal uu soo saaray Wasiirka Maaliyadu inay leedahay khaladaad badan hadiise si sax ah loogu shaqeeyo mudadaas Dalku ku meel gaari karo.

Bishii Aprile, 2009 Dowladu wexey yeelatay Miisaaniyadeedu ugu horaysay oo ay soo diyaarsato isla bishaa gudaheeda waxaa ansixiyey Golayaasha Dowladda miisaniyadan ayaa noqotay tii ugu balaarnay abid waxaana lagu so xarday Dakhli & Kharash isu dheeli tiran, dhanka kale Dowladu waxay kordhisay Dakhliga u soo xerooda iyadoo xooga saartay qaadida canshuuraha Beriga oo horay u ahaa kuwo aan si fiican loo qaadin.

3dii Sano ee ay jirtay Dowladu iyadoo soo martay caqabado badan oo isugu jira Dhaqaala xumo, Dagaalo & Abaaro hadana marna Miisaaniyada Dowladu ma noqon mid lagu dhaqmi waayo ama laga leexdo sidii cadada u ahayd Xukuumadihii hore, sida laga warqabo dhaawacii u xumaan wuxuu soo gaaray Miisaniyada 6 bilood ee ugu horaysay sanadka 2010 waxaana iska dhimay ku talo galkii lacag gaaraysa Sh.som 14,000,000,000 (Afar & toban bilyan oo shilin soomaali ah) sida uu u cadeeyey Baarlmanaaka Wasiirka Maaliyadu mar uu u keenayey Xisaabxiraka lixbilood lahaa ah ee Miisaaniyada bartamihii 2010, waxaana arintan amaanteeda mudan Wasiirka Maaliyada Dr. Faraax Cali Jaamac & Madaxweynaha oo aan wax faragelin ah ku samayn shaqadiisa.

Bixinta & Saray u qaadida Musharaadka Shaqaalaha & Adeegyada kale .

Waa markii ugu horaysay oo Shaqaalaha & Hay`adaha Dowladdu u helaan Musharaadka & Kharashaadka kale ee hawl socodsiinta si joogta ah tan iyo intii la asaasay 1998 Maamul Goboleedka Puntland waana wax ay ku faani karto xukuumadu in mudadii 3 sano ee ay jirtay aan lagu lahayn 1 bilo oo mushahar ah halka Dowladii ugu horaysay Xafiiska sanadkii u danbeeyey wakhtigeeda ee 2008 shaqaalahu aysan helin 8 bilood musharkii.

Dhanka kale waxaa markii u horaysay tan & Asaaskii Puntland la kordhiyey Musharaadka Shaqaalaha & Adeegyada Hay`adaha Dowladda iyadoo saldhig looga dhigay Dakhliga & kutalo galka iyadoo shaqaalaha qaar lo kordhiyey Mushaharaadka 200% .

Dhisida Hay`adaha Dowladda .

Hay`adaha Dowladu wixii ka horeeyey Xukuumadan uma qaabaysnayn si fiican waxayna u badnaayeen kuwo magac u yaal ah ama aan hayn shaqooyinkii ay u xilsaarnaayeen badankoodna ma lahayn shaqooyin qeexan ama Ujeedooyin gaar ah oo lagula xisaabtamo waxaana dhici jirtay in Wasaaraddaha Dowladda qaar isku qabsadaan shaqooyinka .

Markii Xukuumadani qabatay Xafiiska waxaa la bilaabay in la dhiso Hay`adaha Dowlada loona kala sameeyo shaqooyin qeexan & Qorshayaal si loo helo xisaabtan dhab ah iyadoo Xukuumadu asaastay Hay`addo madax banaan oo aan horay u jirin si ay uga jawaabaan baahiyaha bulshada uguna fidiyaan adeegyada asaasiga ah waxaana ka mid ah Hay`ada Daryeelka Bulshada & Hay`adda Shaqaalaha .

Waxaa Guul laga gaaray in Hay`ad kasta oo ka tirsan Dowladda loo Sameeyo Miisaaniyada dhaqaale, Dhisme ay leedahay & Agab ay ku hawl gasho oo u gaar ah waana yartahay maanta Hay`ad degan dhisme aanay lahayn halka horay badanaa Hay`adaha Dowladu u deganaayeen dhismayaal kiro ah oo si gaara loo leeyahay taas oo lagu bixin jiray dhaqaale aad u tiro badan .

Tayeynta Shaqaalaha.

Shaqaalaha Dowladda waxaa kor looqaaday tayadooda si ay u noqdaan kuwo ka soo bixi kara shaqooyinka & xilalka ay u hayaan umada waxaana la siinayey tababar joogto ah iyadoo lagu kordhiyey Xafiisyada qaar Khuburo kala talisa hawla shaqada & Dhalinyaro aqoonyahana ah oo soo dhameeyey Jaamacaaha Dalka & kuwa dibada, markii ugu horaysay waxa xukuumada lagu soo daray Wasiiru Dowlaha Maamul wanaaga si uu gacan uga geysto hawlaha Xukuumadu ku tayeynayso Shaqaalaha & Arrimaha Maamul wanaaga .

Xoojinta & Habaynta Laamaha Amaanka (Ciidamada) .

Laamaha Amaanka Puntland oo ka koobnaa wakhtigii Xukuumadu la wareegtay Xafiiska dhowr qaybood sida Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta, Nabadsugida PSS & PIS waxay ahaayeen kuwo aad u kala daadsan marka laga reebo Hay`ada PIS oo haysatay taakulo dibadeed inta badana Ciidamadii Dowladu waxay lumiyeen shaqooyinkoodii iyagoo faarujiyey Xarumihii ay ka hawlgeli jireen kadib markii ay ku dhacday Mushahar la`aan & Daryeel xumo .

Ciidamada Dawaariishta (Ciidanka qalabka sida ee Puntland).

Ciidamada Daraawiishta oo ah lafdhabarta Ciidamada Puntland waxaa ku dhacay burbur baahsan tiro ahaan & tayo ahaanba waxaana soo gaaray Guuldarooyin dhowr ah oo ay ugu weynayd faaruqintii Magaalo madaxdii Gobolka Sool (Laascaanood), Gaadiidkii & Hubkii Ciidanka badankoodu wuxuu ka baxay gacanta dowlada waxana suuqa ka iibsaday oo la fakaday Ciidamadii ka tegay shaqooyinka kadib markii ay xuquuqdoodii waayeen.

Madaxweyne Faroole intii uusan soo magcaabin Golihiisa Wasiirada wuxuu u magcaabay Ciidamada Gudi soo tiro kooba taas oo calaamad u ahayd muhiimada uu Madaxweynuhu siinayey Ciidamadda hase ahaatee ma noqon tiro koobkaasi mid lagu guulaysto, Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Ku xigeenka cusubi ka soo tirsanaan jiray Ciidamada Daraawiishta kana soo qabtay 2 xil ee ugu sareeya ciidamadaas taaso oo u ahayd Xukuumada fursad fiican maadama hogaanka dalku aqoon & waayo aragnimo fiican u lahaa Daraawiishta.

Isla markiiba waxaa Ciidankan loo magcaabay Taliye cusub Col. Siciid Cabdi Faarax (Tuutaweyne) waxaana la bilaabay sidii loo tayayn lahaa Ciidamada Aagaga & Taliska dhexe iyagoo loo sameeyay qaab dhismeed cusub & Hogaano kala duwan, Waxaa la kordhiyey tiro ahaan iyo tayo ahaan iyagoo loo joogteeyey dhamaan xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda sida Mushaharaadka, Gunooyinka, Saadka & Taakulaynta Caafimaadka talaabooyinkaas oo kor u qaaday niyadii & kalsoonidii ay ku qabeen shaqadooda waxaana markii u horaysay loo kordhiyey Mushaharkoodii 130% iyagoo si joogta ahna u helayey bil walba.

Ciidmada Booliska.

Hay`adan oo ah Hay`ada u xilsaaran Sugida Amniga Gudaha waxaa lagu sameeyey mudadii maamulkani jiray isbedel weyn iyadoo la kordhiyey ugu yaraan 30% tiradii Ciidamada Booliska waxaana loo fidiyey tababaro joogta ah si kor loogu qaado tayadooda, Waxaa la baraaliyey xarumaha ay ka hawl galaan inkasta oo ay hay`adan saamayn weyn ku yeelatay dhibaatooyinka Argagixiso ee kooxaha mayalka adagi ka fulinayaan Magaalooyinka Puntland ayna noqdeen kuwo dhibane u ah Dilalka qorshaysan, Weerarada bambaano & Qarxyada hadana wexey hay`adani gaartay Guulo waaweyn oo la xiriira xaqiijinta Amaanka & ilaalinta xalisoonida Dalka.

Waxaa kor loo qaaday qalabkii ay ku hawl geli jirtay iyadoo lagu kordhiyey mudadaas Gaadiid farabadan & qalab war isgaarsiineed oo ka taageeraya xiriirka dhexdooda si ay ugu fududaato waajibaadkooda shaqo, Waxaase hay`adan ka muuqda mudadii ay jirtay Xukuumadani deganaansho la`aan xaga Hogaanka iyadoo ay marayso mudo 3 sano Gudahood ah Taliyihii 4-aad oo qabta hogaanka Ciidanka Booliska taas oo ka dhigaysa 9 bilood oo kasta in ciidankani yeeshay Taliye cusub taas oo dharbaaxo ku noqon karta hawlaha shaqo maadama aan isbedelka badni u wanaagsanayn Ciidamada.

Ciidamada Asluubta.

Tiro ahaan waa Ciidan aad uga kooban Ciidamada Daraawiishta & Booliska kase tayo fiican waxayna u xilsaaranyihiin Ilaalinta maxaabiista ku xiran Jeelasha marmarka qaarna waxay kala qayb qaataan sugida Amaanka laamaha kale ee Dowladda iyagoo wada shaqayn la leh Wasaaraddaha Cadaaladda & Amaanka .

Intii Xukuumadani jirtay waxaa Ciidankani ku guulaystay lanbarka koowaad xaga tayada & shaqada Ciidamada Dowladda sida uu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay Madaxweynaha Puntland mudadii maamulkan jirayna ma aysan dhicin in maxaabiisi ka baxdo Gacanta Ciidanka Asluubta taas oo dhacdo caadi ah ka ahaan jirtay wakhtiyadii hore Puntland.

Hay`ada Nabadsugida Puntland Security Service PSS .

Sirdoonku wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka Maamul & xasiloonida wadan Maamulka Puntland wuxuu u qabaa baahi weyn helitaanka sirdoon ka so warbixiya hadba xaaladda taagan si looga sii gaashaanto maadama Puntland ku taal goob xasaasi ah leedahayna cadowyo aad u badan hase ahaatee Hay`ada Nabadsugida Puntland PSS waa hay`ada ugu tayada liidata Laamaha Amaanka Puntland mana ah mid ka soo bixi karta 10% shaqada baaxadaa leh ee hortaala, Tiro ahaan Ciidamadani waa kuwo aad u kooban xog sidaa u badana lagama ogaan karo sida ay u hawlgasho & qaab dhismeedkeeda shaqo.

Hay`adda PIS Puntland Intellegency Agency .

Hay`ada Sirdoonka Puntland ee PIS ayaa noqotay hay`ada ugu tayada & maamulka fiican laamaha Dowladda taasi oo loo aanaynayo inay sabab u tahay Taageero Maaliyadeed, Agab Ciidan & Tababaro ay ka helaysay wadamo dibadeed waxayse hay`adani lumisay kalsoonidii ay ku qabeen shacabka reer Puntland ilaa lagu suntay magaca (Ashahaado la dirir).

PIS waxay noqotay dhumuc xoog leh oo ka hawlgasha Deegaanada Puntland wakhtigii Xukuumadii Gen: Maxamuud Muuse iyadoo ka qayb qaadanaysay kana taageeraysay Dowladaas dhinacyada Difaaca, Sirdoonka & Hawlgalada waana ciidankii ugu qaabaysnaa Xukuumadaas, Ciidamada hay`adan ayaa ka fuliyey Magaalooyinka Boosaaso & Gaalkacayo hawlgalo ay si weyn uga horyimaadeen Dadweynaha reer Puntland kuwaas oo isagu jiray xarig lala beegsaday xubno Culimaa u diin ah qaar ka mid ahna laga dhoofiyey Dalka, Inta badan Bulshadu waxay sheki geliyeen cida rasmiga ah ee Ciidamadani ka amar qaataan & Talisyada laga soo abaabulo hawlgaladooda taas oo horseeday nacayb ka dhex abuurma Ciidamada PIS & Guud ahaan Dadweynaha reer Puntland.

Bilowgii xukuumada Dr. Faroole ma siin hay`adan muhiimad gaar ah inta badan dadweynaha reer Puntland waxay ka rajo qabeen in wax badan laga bedeli doono hase ahaatee Dowlada oo ahayd mid cusub aana haysan awood xoog leh maamulkeeduna si fiican u xididaysan iskuma mashquulin wax ka bedelka Hay`adan.

Bishii April, 2009 Ciidamo ka tirsan PIS waxay ka fuliyeen Degmadda Boosaaso hawlgal ay ku soo qabteen Shiikh caan ka ahaan Deeganada Puntland loona hayey xushmad weyn isaga oo wakhtigaas muxaadaro diini ah u jeedinayey dadweyne aad u tiro badan hawlgalkan oo ku soo aadayey wakhti Madaxweynaha Puntland Dalka dibadiisa ku maqnaa wuxuu sababay kacdoon dadweyne oo dhaliyey khasaaro naf & maalba leh, Dowladu waxay markiiba bilowday sidii ay u maarayn lahayd kacdoonkaas una dejin lahayd Dadweynaha & qorshayaal wax looga bedelayo Hay`adan.

12th March 2010 Madaxweynaha Puntland wuxuu qaatay talaabo geesinimo leh isagoo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 27 kuna saabsanaa Magcaabid & Waxka bedel Hay`ada PIS markii u horaysay waxaa la bedelay magacii hay`ada waxaana loo bixiyey Puntland intellegency Agency PIA/ Puntland Security Force PSF isla Xeerkaas waxaa Hay`ada loogu magcaabay Agaasime cusub G/sare cali Maxamad Yusuf ( Binge)waxaase talaabadan si weyn uga soo horjeestay Agaasimihii PIS ee wakhtigaas Marxuum: Cismaan Diyaano taaso oo sababtay khilaaf xoog leh, isla bishaas gudaheeda Madaxweyne Faroole wuxuu booqday Boosaaso si uu xilka ugu kala wareejiyo labada Agaasime Xukuumaduna waxay u muuqatay mid diyaar u ah inay qaado talaabo Militeri hadii laga maarmi waayo iyadoo laga dheehan karay Cududa Ciidan ee ay la tagtay Boosaaso , intii uusan gaarin Madaxweynuhu Magaalada Boosaso wuxuu ku sii hakaday Degmadda Qardho halkaas oo uu kula kulmay Odayaasha & Waxgaradka Degaankaas sida la aaminsan yahayna wuxuu ka dalbaday sidii ay u taageeri lahaayeen qorshahiisa uguna qancin lahaayeen Cismaan Diyaano inu isaga dego jagada.

Khilaaf qaatay mudo bil ka badan waxaa lagu Guulaystay in Agaasimihii hore baneeyo Xafiiska isla markaana loo magcaabo Maxamed Jaamac MJ Agaasimaha Guud ee PIA/PSF wixii ka danbeeyey wakhtigaas hay`adaasi ma noqon mid u hawlgasha si madax banana kamana duwana wakhtigan Ciidamada Dowladda inkasta oo ay qaab ahaan u jirto waxaase meesha ka baxay badi shekigii ay ka qabeen Dadweynaha Reer Puntland & dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen x-PIS.

Kobcinta Siyaasada Arrimaha Dibada.

Siyaasada Arrimaha Dibadu wexey ka mid tahay Guulaha u waaweyn oo ay gaartay Xukuumada Puntland taas oo ka dhigtay mid aan looga maarmi Karin Shirirka Caalamiga ah ee lagaga hadlayo Arrimaha Somaliya dhanka kale waxaa xoogaystay kaalinta Puntland ku leedahay go`aan ka gaarida Siyaasada Soomaaliya .

Fursadii ugu horaysay Xukuumadani waxay heshay bishii Jun, 2009 markii Golaha Wakiilada Maraykanku ku casumeen shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya shirkaas oo la filayey in ay ka soo qaybgalaan Madax ka tirsan DFKS & Maamulka Somaliland, waxaa shirkaas Puntland uga qayb galay wefdi balaaran oo uu horkacayey Madaxweyne Faroole socdaalkaas Xukuumadu waxay ku soo kasbatay Saaxiibo badan iyadoo gaarsiisay qorshayaasha, baahiyaha & Himilooyinka Reer Puntland meel aad u saraysa dhamaadkii Shirka Madaxweynaha & Wefdigiisu waxay socaadaalo ku kala bixiyeen gudaha Maraykanka & UK meelahaa oo ay kulamo & Shirar kula qaateen Jaaliyadaha Reer Puntland ee ku nool.

Wixii ka danbeeyey Safarkaas Puntland waxay noqotay mid aan laga dafiri Karin Saaxada Siyaasada waxaana lagu martiqaaday shirar aad u badan oo heer caalami ah kuwaas oo intooda badan Dowladu ka so gaartay Guulo, Waxaana ugu muhimsanaa Shirkii Turkiga oo go`aamadii ka soo baxay loogu baaqay beesha Caalamku inay ka taageerto Puntland Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Wadooyinka & Garoomadda diyaaradaha .

Dhanka kale Xukuumadu waxay safaro ku kala bixisay wadamo dhowro ah oo ka tirsan Midowga Afrika & Jaamacada Carabta iyadoo si maqaam sare loogu soo dhoweeyey ayna la kulmeen madaxda wadamadaas waxaana ka mid ahaa Madaxadii uu la kulmay Madaxweynaha Puntland Boqorka wadanka Kuweyt, Madaxweynaha Yemen & Hogaamiyihii xukunka laga tuuray ee Liibiya.

Horumarka laga gaaray Siyaasada Arriamah Dibada & Iskaashiga Maamulka Puntland la sameeyey beesha Caalamka ayaa fursad u siisay in ay soo booqdaan madax badan oo ka tirsan aduunka Deegaanada Puntland waxaana laga xusi karaa madaxdaas caalamiga ah:-

Ant├│nio Guterres- Madaxa Hay`ada Qaxootiga Aduunka UNHCR , Valerie Amos– Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay xaga Gargaarka bini aadanimada, Josette Sheeran- Madaxa Hay`ada Cuntada Aduunka WFP, Andrew Mitchell- Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada wadanka Telyaaniga, Mark Kirk- Mudane ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka, Raxan Safiiro ah oo ka tirsan EU & Madax kale oo aad u tiro badan.

Qabashada Kulamo & Shirar ay isugu yimaadeen qaybaha Soomaalidu .

Xukuumada ayaa ku Guulaysatay qabashada Kulamo heer sare ah oo ay isku arkayeen qaybaha Soomaalidu kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ciyaarihii Gobolada Soomaliya oo aan qabsoomin mudo 20 sano ah, Shirweynihii Haweenka Soomaaliyeed & Shirkii wada tashiga Soomaalida ee lagaga hadlayey xiliga kala guurka marka DFKS wakhtigeedu dhamaado waxa xigi doona, Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda ugu saraysa ee DFKS, Maamul Goboleedyada ka jira Dalka, Ururka Ahlusuna waljamaaca & Saraakiil ka tirsan beesha Caalamka.

Dhamaan shirirkani waxay ku so dhamaadeen si Guul ah iyagoo markhaanti u noqday dadaalada ay Xukuumadu u gashay kobcinta siyaasada arrimaha dibada & sida ay u tustay beesha Caalmka & Soomaalida inteeda kale inay tahay Puntland deegaan Nabad iyo xasilooni ka jirto .

Arrimaha Bulshada.

Dadweynaha reer Puntland waxay baahi aad u weyn u qabaan sidii ay u heli lahaayeen adeegyo bulsho oo hagaagsan gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Korontada, Wadooyinka & kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida muuqatana xukuumadu waxay ku dadaashay waxka qabashada arrimahaas inkasta oo la wada ogsoon yahay duruufaha dhaqaale ee wadanka in aysan u saamaxayn in ay qabato waxyaabo badan oo muhim ah.

Hase ahaatee Xukuumadu iyadoo gacan ka helaysa hay`ado caalami ah & qaybaha Bulshaa waxay dayactir ku samaysay Cisbitaaladda Boosaaso, Garoowe & Gaalkacayo waxaa kale oo la dhisay Goobo Caafimaad & kuwo Waxbarasho, waxaa dayactir & hagaajin lagu sameeyey wadooyin farabadano oo ku yaala magaalooyinka waaweyn dhexdooda, waxaa iyana Hay`ada PHA oo u qaabilsan Dowlada wadooyinku ay dayactir joogta ah ka samaynaysay wadada laamiga ah oo halbawle u ah isu socodka & dhaqaalaha Puntland.

Waxaa la kordhiyey Shidaalka ay Dowladu ku kabto Shirkadaha Korontada si ay u helaan Dadweyanaha Reer Puntland shidaal joogta isla markaana looga dhimo lacagta, Hay`ada Biyaha & Tamarta ee PASWEN & Wasaaradda Hawlaha Guud oo iskaashanayaa waxay balaariyeen Adeegyada Biyaha iyagoo dhulka miyiga ah ee xoolo daaqeenka oo u badan dhul aan laahyn biyaha ku filan ka qoday ceelal halka qaarkalena lagu sameeyey dayactir baahsan.

Maaraynta Deeqaha Beesha Caalamaka & la xisaabtanka Hay`adaha.

Hay`adaha Caalamiga ah waxay ka ciyaaraan kaalin mugleh Horumarinta & Adeegyada Bulshada waana wadada ay beesha caalamka u soo mariso Deeqaha Puntland waxaa lagu qiyaasaa sanad walba in ay ku kharash gareeyaan Dalka Malaayiin doolar hase ahaatee waxaa dhib weyni ka jirtay qaabka ay hay`adahani u shaqeeyaan, la xisaabtankooda & sidii ay wada shaqayn ula wadaagi lahaayeen laamaha Dowladda .

Hadaba si loo ogaado waxa ay qabanayaan loogulana xisaabtamo kaalmooyinka Bulshada Caalamku ugu soo dhiibto Puntland loona hubiyo in ay gaarsiiyeen dadkii xaqa u lahaa waxaa lagu sameeyey qaabayn iyadoo lagu so rogay shuruudo cusub, Hay`ad kasta waxaa lagu xiray oo wada shaqayn lala wadaajiyey hadba Hay`ada Dowladda ugu xilsaaran mashaariicda ay fulinayso (Line ministry ) taas oo meesha ka saartay in ay hay`aduhu u hawlgalaan si madax banaan sahashayna in si fudud loola xisaabtano gacana lagu siiyo sidii ay u gaarsiin lahaayeen deeqaha ay wadaan gacmaha u baahan.

La dagaalanka Musuq maasuqa.

Soomaliya oo aynu qayb ka dhanahay dhul ahaan & dad ahaan waxay noqotay wadanka Aduunka ugu musuqmaasuqa badan Xukuumadihii ka horeeyey Xukuumadan musuqmaasuqu wuxuu ka ahaa wax iska caadi ah oo aan laysku ceebaysan hase ahaatee Xukuumadani waxay qaaday talaabooyin si weyn u dhimay musuqmaasuqii inkasta oo aan gebi ahaan la joojin hadana waxaa loo dhaawacay si weyn waxaana ugu waaweyn Guulaha ay Xukuumadu ka gaartay Musuqmaasuq joojinta Lacagihii ku bixi jirayFadlanta, Daabacaada Shilin Soomaaliga, Caaglaysiga & isdaba marinta canshuuraha laga qaado Dadweynaha.

Lacgta Fadlanta: Waa dhaqan laga bartay hogaanadii soo maray Puntland waxaana si sharci daro ah oo ka baxsan shuruucda Dalka ugu tagri fali jiray Miisaaniyada Dowladda Madaxda gaar ahaan Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa & Wasiirka Maaliyada iyadoo lacgtan la siin jiray hadba qofkii lala muraado isagoo aan u lahayn xaq taasi oo dhabar jab ku ahayd canshuuraha laga soo ururiyey dadka masaakiinta ah Xukuumadani waxay joojisay gebi ahaanba Lacgtaas waana Guusha ugu weyn ee ay ka gaartay la dagaalka musuqmaasuqa.

Daabacaada Shilin Soomaaliga: Puntland waxay can ku noqotay daabacaada lacagaha shilin soomaaliga ah waxaana loo soo daabici jiray si aan sharciga waafaqsaneen iyadoo suuqa lagu sii deyn jiray si aan loo meel deyin taasi oo u keeni jirtay Bulshada reer Puntland Sicir barar & Sarifka lacagta Doolarka oo kor u kaca intii Xukuumadani joogtay laguma daabicin Gudaha Puntland wax lacag ah lamana soo gelin suuqdaya lacag cusub oo been abuur ah.

Caaglaysiga: Waa nooc ka mid ahaa musuq maasuqyada ragaadiyey Maamulka wuxuuna inta badan ka dhici jiray Ciidamada dhexdooda iyadoo Saraakiisha & Taliyayaashu ay musuqmaasuqi jireen Mushaharka & Saadka loo qoondeeyey Askarta waxaana dhici jirtay in Mushaharaad ama Saad ka soo baxay khasnada Dowlada in la waayo meel uu ku baxay aanuna so gaari jirin Ciidamada taas oo horseeday burbur & niyad xumo ku habsatay qaybaha Ciidamada, wakhtigan kama jiro laamaha Ciidamada musuqmaasuq weyni dhamaan askartuna waxay si joogta ah oo hufnaan leh ku helaan Musharaadkooda & dhamaan xuquuqda kale ee ay ku leeyihiin Dowladda.

Isdaba marinta Canshuuraha: Waxaa dhici jirtay in Dadweynaha laga soo qaado Canshuurihii ku waajibay aana lagu shubin Khasnada Dowladda oo ay ku baxdo gacmo gaar ah waxaa u badnaa Canshuuraha la musuqmaasuqi jiray Canshuuraha Gaadiidka & Kuwa beriga Xukuumadu iyadoo taas ka digtoon waxa ay ku soo rogtay Gaadiidka nidaam cusub (Computer System) oo aan suurtagelinayn in wax yar la is daba mariyo waxaa iyana dabgal adag & hubin lagu sameeyey sidii loo xaqiijin lahaa Canshuuraha kale ee laga so qaado Bulshada inay ku dhacaan khasnada Dowladda iyadoo shaqadii laga eryey shaqaale aad u tiro badan kuwaas oo ay ku cadaatay wax isdaba & xatooyo hanti dadweyne.

La Dagaalanka Burcad badeeda.

Burcadeedu ayaa noqotay dhibaato caalami ah oo aan ku ekayn badaha Soomaliya caalamkuna wuxuu eeda qayb ka siinayey Maamulka Puntland sanadkii 2008 wuxuu noqday sanadkii Burcad badeed waxaana isku dhexmilmay oo la kala garan waayey dadkii caadiga ahaa & burcad badeedii oo fursad u helay inay si xornimo leh ku dhexmaraan Magaalooyinka si sahlana isaga dhex safraan Gobolada Dalka.

Dhalashadii Xukuumada Faroole waxay ku baaqday dagaal ka dhan ah Burcad badeeda iyadoo ka codsatay wadamada caalamku inay ka taageeraan Dagaalkaas, waxayna qaaday weeraro dhowr ah iyadoo xabsiga u taxaabtay burcad aad u farabadan oo qaarkood weli ku jiraan jeelasha, dhanka kale Xukuumadu waxay dadaal dheeri ah u gashay sidii ay u heli lahayd taageero caalami ah iyadoo ku Guulaysatay in laga taageero dhismaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland Marine Force – PSF oo hada ku hawlan sidii ay ugula dagaalami lahaayeen bada & beriga Burcada inkastoo aan weli la soo afjarin Burcad badeeda aysana Dowladu u lahay awood ay ku dabar jarto hadana waxaa si weyn loo wiiqday awoodii Burcad badeeda .

Samaynta Calanka, Astaanta, Heesta Calanka Puntland & Xuska 1 Augost .

Taariikhada markii ugu horaysay Puntland waxay yeelatay Calan, Astaan & Hees calan oo u gaar ah sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland, Waxaana si aan horay loo arag loo xusay korna loogu qaaday 1 Augost oo ku beegan maalintii dhidibada loo teegay Puntland .

La soco Qaybta Labaad.

Shiine Culay
Dubia- United Arab Emartes
Phone: 00971555526251 Email: Shiine.culay@gmail.com facebook.com/Shiineculay