Shir ku saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maalgashiga oo lagu qabtay Hotel Hilton ee Magaalada London

Published: February 15, 2012

Waxaa magaalada London gaar ahaan hoteelka caanka ah ee Hilton lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigayey habka dhaqaalaha Soomalia, iyo maraxaladihii uu soo maray mudadii burburka uu ka jiray dalka Somalia.

Waxaa shirkan horumarinta dhaqaalaha Soomalia looga hadlayey soo qaban qaabiyey ururka Somali Economic Forum {SEF} oo ah urur xaruntiisu tahay London, laamana ku leh qaybo kamida Somalia.

Waxaa shirkan lagu soo casumay oo kasoo qayb galay aqoonyahano, Soomaali iyo Ajnabi ah iyo xeel dheerayaal takhasus u leh Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo baayac-mushtarka.

Sida laga warqabo dhaqaalaha Soomalidu wuxuu ku tiirsan yahay laf-dhabarna u ah xoolaha, mudadkii burburka lagu jirayna waxaa dhaqaalaha Somalida si weyn ugu soo kordhay xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta.

Waxaa kulanka lagu sharaxay sida Urururka SEF uu ahmiyad weyn ugu leeyahay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaalia.

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ah mid noociisa lagu qabto dalkan Britain, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay hay’addo faro badan oo daneeya dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalagashiga geeska Africa.

Soomalia ah oo dal sabool ah, dhaqaalihiisuna uu bur-bursan yahay, hadana rajada laga qabo koboca dhaqaale ee dalka Soomalia ayaa ah mid ay indhaha ku hayaan shisheeyuhu, waxaana gacan weyn ka geysan doona in sare u kaco dhaqaalaha Somalia shidaalka dhowaantan qodistiisa laga bilaabay dalka Somalia.

Hasan Muse Dude oo kamida maamulayaasha ururka ayaa sheegay ujeedooyinka iyo hadafka loo aasaasay ururka Somali Economic Forum ay ugu muhiimsan tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka iyo koboca dhaqaale ee Somalia.

Hasan Muse Dude wuxuu intaas ku daray inkastoo xiriir iyo wada shaqayn SEF ay la leedahay sharikaad waaweyn, jaamacado iyo hay’addo kale oo ka howlagala Somalia iyo geeska Africa, in hadana ay tahay hay’add madax bannaan, oo isku taagtay inay isku keento ganacsatada, aqoonyahanada, iyo waliba maamulada ka jira dalka Soomalia si xal kama dambays ah loogu helo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalka Soomalia.

Siciid Cali shire oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo isagu qoray dhowr buug oo laba kamida ahi ku taxaluqaan kobcinta iyo abuuritaanka ganacsiga, iyo buug kale oo ka hadlaya Islam Bank, ayaa shirkaas ka hadlay, Siciid ayaa Tilmaamay in Ha’adda SEF ay kusoo beegantay xilli ganacsatada Soomaaliyeed, maalgaliyaasha ajnabiga ah iyo maamuladuba u baahan yihiin xogo iyo cilmi baarisyo la xiriira tiirarka dhaqaale ganacsi iyo horumar ee Somalia.

Siciid Cali Shire wuxuu intaasi ku daray in Hay’adani gacan weyn ka geysan doonto sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida iyo sidii loo soo bandhigi lahaa xogo iyo cilmi baarisyo saldhig u noqda go’aamo maalgelin.

Waxaa sidoo kale kulan ka hadlay Nuoman Khalid oo ah khabiir dhaqaalaha ku takhasusay, una shaqeeyna Bankiga USB ee Bariga dhexe qaybta maaligelinta {Investment} ayaa isaguna kulankan ka hadlay isagoo tibaaxay xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya wadamada gacanka iyo Soomalia, dhabaha horumarineed ee dalalkaasi qaadeen iyo siyaabaha ganacsatada iyo maal geliyayaasha uga faaideysan karaan Hay’addan oo kale.

Fardus Ali oo iyadu ka tirsan Hay’adda Somali Economic Forum ayaa ka hadashay doorka haweenka Soomalidu ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha, waxayna wax ka taabatay sida haweenka Soomalida qayb libaax uga qaateen mudadii dheereyd ee dalka Soomalia uu ku jiray bur-burka.

Miss Agnes Gitan oo ka socotay East Africa Chamber of commerce waxayna amaan u iyo bogaadin u jeedisay heerka amaanta mudan ee loo soo abaabulay kulanka iyadoo, tiri waa muhiim in dhaqaalaha Soomalia aan maanta waxa badan oo aanan horay uga ogeyn nalooga sheegay, waxayna intaasi ku dartay, in shirkani yahay mid qiima gaar ah u leh, iyadoo xustay inay dooneyso inay xiriir wanaagsan la yeelato ururkan.

Ugu dambayntii waxaa kulankan ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Horn of Africa Business Association, Mark Jones wuxuuna carabka ku dhiftay in adeega SEF ay in muddo ah la filayey ayna soo dhoweynayo, kuna faraxsan yahay in kulankan aadka muhiimka u ah uu kasoo qayb galo, isagoo intaasi ku daray inuu jeclaan lahaa inay wada shaqayn iyo iskaashi joogto ah samaystaan, hadii ay suurtagal noqoto.

somalieconomicforum.org