Arday dhamaystay CISCO Course oo Jaamacadda Boosaaso shahaadooyin lagu gudoonsiiyey [Sawiro]

Published: February 17, 2012

Xaflad Shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday dhamaystay koorso uu bixiyey machadka CISCO oo fadhigiisu uu yahay dalka Maraykanka xiriirna la leh Jaamacadda Boosaaaso ayaa ka dhacday xarunta weyn ee Jaamacadda oo ku taal isla magaalada Boosaso.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayna kasoo qayb galeen marti sharaf badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka tirsan, ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Boosaaso oo ay ardaydaasi in mudo ah wax kusoo baranayeen.

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay hormuudka Jaamacadda Boosaaso Dr. Maxamed Cali Faarax, wuxuuna ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacada Boosaaso oo markii hore College ahayd soo martay iyo horumarka ay ka samaysay dhinaca waxbarashada.

Dr. Maxamed wuxuu sidoo kale ka warbixiyey heerarka waxbarashada ay Jaamacaddu bixiso, iyo inta Faculty ee ay ka kooban tahay, isagoo sidoo kale sheegay himilooyinka ay Jaamacaddu ku taamayso in ay higsato mustaqbalka dhow, kuwaasoo uu tilmamaay inay kamid yihiin haqab tirka baahiyaha waxbarasho ee gobolka ka jira, gaar ahaan kuliyadaha aan dalka laga helin.

Maamulaha Bankiga Dahabshiil qaybtiisa magaalada Boosaaso Prof. Yaasiin Xaaji Cabdilaahi, islamarkaana ah macalin Jaamacadda Boosaaso wax ka dhiga, ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay, iyo sida ay horumarka lagama maarmaan ugu tahay, wuxuuna sheegay in Dahabshiil ay ka go`an tahay taageeridda waxbarashada iyo bahdeedaba.

Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsan gudoonka waxbarashada ee degmada Boosaaso ayaa isna u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso, wuxuuna dhinaca kale hanbalyo u jeediyey ardayda qalin jebiyey, isagoo ilaah uga baryey in waxa ay barteen uu ku anfaco, kulana dardaarmay in cilmiga ay heleen ay dadkooda iyo dalkooda uga faa`iideeyaan.

Macalin Faadil oo isna ah macalin Sudani ah ayaa munaasabadaas ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, iyo sida ay waxbarashadu udub dhexaad ugu tahay horumarka bulsho walba, isagoo dhinaca kale tilmaamay in waxbarashada Technology-yada ku salaysani ay tahay mid maanta ay dunidu ku kala tagtay.

Mid kamid ah howlwadeenada shirkadda Isgaarsiinta ee Golis laguna magacaabo Jaamac ayaa isna gaba gabadii hadal kooban goobtaas ka jeediyey, si gaar ah wuxuu uga hadlay Internetka oo ay qaar kamid ah ardaydu codsadeen in la tayeeyo, isagoo xusay in shirkaddu ay mustaqbalka dhow hirgelin doonto khad Internet oo ay aad tayadiisu u fiican tahay oo xawaare sare leh.

Jaamacadda Boosaaso waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waaweyn Puntland waxayna ardaydan Shahaadooyinka la gudoonsiiyey noqonayaan dufcadii ugu horeysey ee dhamaysta koorsadan oo uu qaab Online ah u bixiyey machadka CISCO oo ku yaal dalka Maraykanka islamarkaana xiriir dhow la leh Jaamacadda Boosaaso oo u fududaysay ardayda Puntland inay waxbarasho noocaas ah helaan.

Cadiraxmaan Maxamed

Horseed Media

Boosaaso