Maamulka wasaaradda caafimaadka ee G.Bari oo ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee gobolka

Published: February 18, 2012

Maamulka xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee gobolk.

Isu-duwahawasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso noogu waramay ayaa sheegay in ay horumar badan dhinaca caafimaadka ka sameeyeen.

Wuxuuna mar aan weydiiney waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay sanadkii hore qabteen uu sheegay inay qayb weyn ka qaateen gurmadka abaarihii ku dhuftay deegaano kamid ah gobolka Bari islamarkaana ay kooxo caafimaad u direen si daryeel caafimaad oo daaweyn iyo nafaqeyn isugu jirta loogu fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Mr Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolku uu sameeyey kooxo si gaar ah u tababaran kuwaas oo daryeel caafimaad ka fuliya dhulka miyiga ah ee fog gaar ahaan miyiga degmooyinka Isku-shuban, Ufeyn, Qandala, iyo Caluule.

Isu-duwahawasaaaradda caafimaadka ee gobolk Bari ayaa mar uu ka jawaabayey su`aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd waxa ay wasaaradu ka qabatay daryeelka dhismaha iyo qalabaynta isugu jira oo ay u baahan yihiin qaar kamid ah Isbitaalada ku yaal degmooyinka gobolka uu sheegay in mustaqbalka dhow ay ku rajo weyn yihiin inay kiciyaan Isbitaaladii hore ee dogmooyinka:

  • Isku-shuban.
  • Qandala.
  • Caluula.
  • Iyo Baargaal.

Siciid Maxamed Waraabe ayaa dhinaca kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka Puntland ee gobolka Bari uu yahay midka ugu horumarsan dhamaan xafiisyada lamidka ah ee ka jira gobolada kale ee Puntland. maadaama dib u habayn dhinaca maamulka iyo shaqada ah lagu sameeyey uuna ka kooban yahay dhowr waaxood oo kala ah:

  • Waaxda caafimaadka asaasiga ah.
  • Waaxda xog uruurinta caafimaadka.
  • Waaxda faya-dhowrka iyo nafaqada.
  • Waaxda la dagaalanka nafaqo darada.

 

” Maamulka caafimaadka ee gobolku isaga oo la kaashanaya ururka dhakhaatiirtagobolka Bari waxaa u qorsheysan inuu dhowaan bilaaboolole lagu diiwaan gelinayo laguna xaqiijinayo khibaradda iyo aqoonta dadka ka howlgala xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay si looga hortago dadka sifaha aan sharciga ahayn howsha caafimaadka usoo dhex gala iyaga oo sheeganaya inay aqoon u leeyihiin”

Mr waraabe ayaa yiri mar uu ka jawaabayey su`aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd: xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee kusoo badanaya gobolka iyo goobaha waxbarasho ee caafimaadka lagu barto maxaa qorshe ah oo xafiiskiina uga yaal madaama ay suurtagal tahay in dad badan oo aan cafimaadka xirfad iyo aqoon durugsan u lahayni ay ka howl galaan.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu tiriyo inay kamid tahay wasaaradaha ugu shaqada badan uguna firfircoon wasaaradaha Puntland ayaa waxay xafiisyo ku leedahay dhamaan gobolada, xafiiska gobolka Barina wuxuu si hoose u maamulaa xarumaha caafimaadka ee 7-degmo ee gobolka Bari uu ka kooban yahay.

 

Horseed Media

Boosaaso