Xiritaankii shirka wadatashiga ee Garoowe-2 [Codad+Sawiro]

Published: February 18, 2012

Magaala-madaxda Puntland ee Garoowe waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyey wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga arimaha Dastuurka ee Garoowe-2.

Shirka oo qorshuhu ahaa in shalay gelinkii danbe lasoo afmeero wuxuu soo gaba gaboobey xalay saqdii dhexe kadib markii qaar kamid ah qodobada heshiiska la isku mari waayey.

Waxaana heshiiska oo ay wada saxiixeen madaxda dhamaan dhinacyad shirkaas ka qayb gelaya kamid ahaa:

 

  • Yaraynta tirada xildhibaanada Baarlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.
  • Ansixinta Dastuurka oo laysla qaatay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda laga soo kala xulay ay u codeeyaan.
  • Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo Baarlamaanka ka sareeya.
  • Iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18-kii gobol ee horay u jirey.

Horseed Media waxay sidii ay horayba idiinku balan qaaday halkan idiinku soo gudbineysaa khudbadaha ay madaxdii shirkaasi jeediyeen iyo sawiro muujinaya muuqaalkii ay xafladaasi lahayd.

Dhegeyso codka Madaxweyne Shiriif

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/shiikh-shariif.mp3″]

 

Dhegeyso codka Madaxweyne Faroole

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/madxwayanha-Puntland.mp3″]

 

Dhegeyso codka wasiirka cadaaladda Jabuuti

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/wasiirka-cadaalda-Jabuuti-Xaamid1.mp3″]

 

Dhegeyso codka wasiirka Dastuurka ee DKG

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/wasiirka-dastuurka-soomali-Xoosh.mp3″]

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe