Boosaaso: Shirkii Sanadlaha ahaa ee hay’adda TADAMUN oo soo gaba gaboobey [Sawiro]

Published: February 22, 2012

Hay`adda Wadaniga ah ee Tadmun Social Society (TASS), ayaa maantakusoo Gabagabeeysay xafiiskeeda guud ee Boosaaso shirka Sanadlaha ah ee aykusoo bandhigto waxqabadka Sanadwalba ay u qabato Bulshada Soomaaliyeed,waxaana sanadkan ay soo bandhigtay waxqabadkii 2011. Waxaana kasoo qaybgalayxubnaha jimciyada iyo marti kale.

Hay`adda ayaa ku tilmaamtay sanadkii 2011 inuu ahaa sanadkiiugu shaqada badanaa, marka la eego baahida bulshada iyo dhibaatooyinkii ummadasoomaaliyeed sanadkaas qabsaday, waxayna si xoog leh ugu gurmatay dadkii ku dhibaatoobayabaarihii iyo Macaluushii ka dilaacday soomaaliya gaar ahaan Gobolladakoonfureed, iyado oo qaylo dhaan aduunka oo dhan u dirtay ayna Hay`adahaCaalamiga ah iyo Kuwa islaamiga ahba deeqo badan ka heshay gaarsiisayna ummadasoomaaliyeed.

Hay`adda ayaa sidoo kale dardargelisay Waxbarashada iyado oomaamusha 22 school oo isugu jira Dugsi hoose, dhexe iyo Sareba, waxaynakordhisay Tirada ardayda dhigata iskuuladeeda, waxayna ku dartay dhisamayaaliyo agab waxbarasho. Sidoo kale deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ayaysiisay arday gaaraysa 170 Arday, kuwaas oo in kamid ah ay u dirtay jaamacadesare oo dibadda ku yaala.

Hay`adda ayaa sanadkaas dhismayaal iyo mashaariic waaweyn kaherglisay Gobollada Puntlanad, waxayna Garowe ka dhistay Gaaroon Cusub ooloogutala galay Ciyaaraha Olympicada, Macad loogutalagay Beeraha iyo XanaanadaXoolaha (Agro-veterinary) ayay ka dhistay Magaalada Galkacyo, sidoo kalemaashaariic dhismayaal badan ka kooban ayay ka hergelisay gobollada Puntland ooisugu jira Iskuulo, Masaajid, Qodis ceelal iyo Dayac tir kuwa kale.

Sidoo kale Hay`adda iyaa Safaro badan ku baxday aduunka ookusoo xoojisay Xiriirka ay laleedahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Hay`addahadaneeya Arimaha Soomaaliya.

Hay`adda ayaa sidoo kale ka qaybgashay Shirar iyo TababaroCaalami ah, waxaanala`aasaasay Sanadii 1992dii, dhowaan waxay u dabaal degeysaa sanadguuradii 20aad ee kasoo wareegtay Asaaskeedii.

Booqo Websiteka Hay`adda Tadamun:

www.tadamun.rog