Shirka Soomaaliya ee London oo furmey [SAWIRO]

Published: February 23, 2012

Waxaa maanta ka furmey magaalada London ee cariga Ingriiska shirkii looga hadlaayey arimaha Soomaaliya, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 dal madaxdood, Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Shirka Waxaa dhanka Soomaalida u metelaayey oo ka soo qaybgalay.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas
Madsaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Adam
Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalim
Ergo ka socota Maamulka Ahlu-Sunnah
Mayorka magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)

Ugu horeyntii waxaa shirka furey Raysalwasaaraha Britain David Cameron, waxaana uu khudbadiisa ku soo qaatey ujeedada shirka, kadib markii muddo 20 sano ah la ilaawey dalka Soomaaliya ayna dhinac kasta ku faaftey fawdada iyo sharci daradu.

David Cameron ayaa u mahad celiyey Ciidamada AMSIOM ee ka socda Midowga Africa iyo ciidamada Dawladda ee xaqiijiyey in ay nabad ku soo dabaalaan magaalada Muqdisho bilihii u danbeeyey, waxaana uu Raysalwasaaruhu qirey in al-Shabaab weli yihiin caqab taagan, Alshabaab waxay dhumiyeen taageeradii dadka caadiga ah ee Soomaalida kadib markii ay ka hor istaageen horumarkii una horseedeen dhimasho badan ayuu yiri Cameron.

David Cameron ayaa sheegey in labadii shir ee ka dhacay magaalada Garowe ay ahaayeen tallaabooyin muhim ah uu Soomaalidu horey u qaadey. raysalwasaaraha Britian ayaa khudbadiisa ku sheegay in xalka Soomaaliya ay ku jirto gacanta Soomaalida oo keliya, anagu waxaan taaganahay dhabarkiina si aan u taageerno waxa aad ku heshiisaan, waxaana loo baahan yahay in wax laga qabto arimo ay ka mid yihiin: Amaanka, Gargaarka biniaadanimo, Soomaaliya oo hesha dawlad rasmi ah oo ku dhisan caddaalad, aan lahayn wax musuqmaasuq ah Soomaaliduna ku kalsoon yihiin, Raysdalwasaaraha ayaa sdidoo kale amaan u jeediyey Qaraarkii Qaramada Midoobey ay ku meel mariyeen in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, qaraarkaas oo uu sheegey in uu ahaa mid UK soo diyaarisey.

Ugu danbeytnii Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhawaaqey in UK ay ku deeqayso 51 Milyan oo lacagta Ingrtiiska ah taas oo wax looga qabanaayo gargaarka bini’aadanimo isla markaana nafta lagu badbaadinaayo, waxaana uu hadalkiisa ku soo xirey in Haddii aan nahay Beesha Caalamka waan idinku soo laabanay Soomaaliyeey si aan u xalino dhibaatooyinkiina.

Ba Ki Moon

Raysalwasaaraha ayaa hadalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Banki-Moon, Mr. Moon ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii hore uu booqdey magaalada Muqdisho waxa uu tilmaamey in uu ku soo arkey burbur baaxad leh laakiin ay jirtey rajo dadku doonayaan in ay dib u dhistaan wixii ka burburey, Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Amniga Soomaaliya in wax laga qabto ay tahay muhimadda u weyn loona baahan yahay in la taageero ciidamada Dawladda ee kuwa AMISOM ka dhinac diriraaya, sidoo kale waxa uu aad ugu dheeraadey in haweenka door muuqda laga siiyo soo celinta nabadda dalka iyo siyaasadda.

Banki Moon ayaa sheegey in macaluushii Soomaaliya ay tahay mid dhamaatey laakiin in ka badan 2 milyan oo qof oo Soomaali ah ay ku noolyihiin saboolnimo.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed

“Cunoqabataynta hubka waa in laga qaado Soomaaliya”

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intaas kadib hadalka lagu soo dhaqeeyey, waxaana uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku jeediyey luuqada Carabiga isaga oo uga hadley dhinacyo badan, ugu horeyntii waxa uu mahad ballaaran u jeediyey Boqortooyada UK isaga oo ku aamaaney shirka qiimaha leh ee ay soo abaabushey iyo sida ay u danyneyso arrimaha Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa sheegey in dadka Soomaalidu ay doonayaan in nabaddu soolaabato, si looga baxo cunfiga, loola dagalaamo argagixisada ay u soo laabtaan adeegyadii bulshadu iyo in la helo maamul hagaagsan oo dadka u adeega.

Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey beesha caalamku in ay sameeyeen ballanqaadyo hore kuwaas oo aysan marna ka soo bixin, loona baahan yahay in ballanqaadka laga soo baxo.

Madaxweynaha ayaa dalbadey arrimo badan in wax laga qabto sida, Aminiga, Waxbarashada Beeraha, Maamul-wanaaga, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay tahay muhim in Soomaaliya laga qaado cuno-qabataynta hubka ee saaran si ay Soomaaliya loogu dabrin argagixisada al-Shabaab-Alqaacida. Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegey in uu rajo weyn ka qabo shirka London in ay ka soo baxaan go’aamo wax ku ool ah kuwaas oo aan waxba u dhimeyn asaasiyaadka Soomaalidu aaminsan tahay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni

“Wixii Africa looga danbeeyo waa hagaagaan”

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa hadley kadib Shiikh Shariif, waxaana uu hadalkiisa ku bilowdey in maanta ay tahay muhim ayna isu yimaadeen dhamaan kuwii Soomaaliya wax ka qaban lahaa, “Wixii Africa looga danbeeyo waa hagaagaan” ayuu yiri Musaveni, taasna waxaa tijaabo loogu arkey dumintii Iida Amiin ee Uganda, Tii Mabuto ee Kongo, sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatey xornimadii dalalka Musanbiik, Zimbabwi iyo Namimbiya.

Museveni ayaa sheegey in uu rajo weyn ka qabo in arrimaha Soomaaliya ku soo noqdaan nabad iyo xasilooni, beesha Caalamkna looga baahan yahay in ay laba jibaaraan taageeradooda.

Hillary Clinton

“Cidii ka hortimaada isbeddelka Dawladda cunoqabatay ayaa la saarayaa”

Xogahayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Hillary Clinton oo iyaduna shirka ka hadashey ayaa jeedisey khudbadii u adkeyd shirka, waxa ay marka hore amaan u jeesiey shirkii Garowe 2 oo ay ku tilmaantey in uu ahaa tallaabo aad muhim u ah oo qeexaysa mustaqbalka dawladda Soomaaliya. Hiilary ayaa sheegtey in mudada yar ee 6 bilood gaareysa ee u harsan Dawladda la muujiyo waxqabad weyn, la soo xulo xildhibaanadii Baarlamaanka ee lagu heshiiyey isla markaana la doorto Madaxweyne cusub, “Marna ma yeelayno in muddo kale loo kordhiyo dawladda hadda jirta” ayey tiri, waxaana ay digniin u dirtey dhamaan xubnaha Dawladda ee isku daya in ay caqaqbad ku noqdaan isbeddelka iyaga oo la saarayo cunuqabatany dhanka safarka iyo dhaqaalaha ah lana ciqaabi doono.

Xaaladda Soomaaliya markii hore waxa ay ahayd mid markasta laga hadlo, iska hor imaad, fawdo, gaajo iyo falal argagixisnimo, laakiin maanta waxaa muhim ah in aan diirada saarno dib u dhiska Soomaaliya ayey tiri Hillary Clinton. Ugu danbeyntii waxay ku dhawaaqdey adduun dhan 64 Milyan oo Dollar taas oo wax looga qabanayo arrimaha Biniaadanimo.

Shirka oo soconaya maanta oo keliya ayaa waxaa kale oo ka hadley Raysalwasaaraha dalka Qatar Itoobiya Males Zenawi, Raysalwasaaraha Faransiiska Allen Jupee, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Prince Saud Al Faisal Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Guiliomaria Terzi, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele.

Shirka ayaa galay qaybtiisi labaad waxaana shirguddoominta la wareegay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Britian William Hague, waxaana khudbadii u horeysey ee qaybta labaad qaatey oo furey Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas.

Shirka oo maanta gelinka danbe soo dhamaanaya ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxal gal ah oo ay dhici karto in Soomaaliya mar kale cagaheeda ku istaagto.

Horseed Media Team
UK London