• Facebook
    • Google+
    • RSS
    • Twitter
    • YouTube

Horseed Media

  • Somali News
    • Federal Government
    • Puntland
    • Hirshabelle
    • Galmudug
    • Jubaland
    • Somaliland
    • Southwest
  • World
  • English
  • VIDEOS
  • Contact us
    • About
    • Advertise with us
You are here: Home / Communities / Hay’ada Hormarinta Beeraha CEFA oo Qalab ku wareejisey W.beeraha Puntland [Sawiro]

Hay’ada Hormarinta Beeraha CEFA oo Qalab ku wareejisey W.beeraha Puntland [Sawiro]

Posted: Abdirizak Shiino - February 24, 2012

FacebookTweetShares4

Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA ayaa maanta qalab iskugu jira matooro iyo agabka beeraha ku wareejisay wasaarada beeraha iyo waraabka dawlada puntland.

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta wasaarada beeraha iyo waraabka puntland ayaa waxaa  ka soo qayb galay madaxda wasaarada ,masuuliyiin ka socota hay’ada Cefa  iyo xubno ka socda iskaashatada beeraleyda gobolka Nugaal.

Ugu horaytii waxaa daah furay kulanka wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka puntland maxamuud maxamed shiikh waxaana ugu horayn mahad balaaran uu jeediyay hay’ada CEFA dadaalka ay ka wado puntland oo ku adaan horumarinta beeraha .

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka gudoomen qalbka ay hay’ada cefa ugu talagashay beeraleyda gobolka Nugaal isla markaana ay ku wareejin doonaan si ay ugu isticmaalaan beerahooda .

Maareeyaha Mashruuca CPOD ee hay’ada CEFA Cabdulahi Xuseen Samatar oo qalabka ku wareejiyay wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland  ayaa ka warbixiyay mashaariicda ay hay’ado ka wado puntland isagoona sheegay in ay mashaariic badan ka fuliyeen qaar ka mid ah gobolada Puntland.

Cabdulaahi xuseen ayaa intaa ku daray in hay’ada CEFA ay ka dhaadhicisay beeraleyda gobolka Bari sidii ay u tabcan la haayeen Timirta iyo Qudaarta noocyadeeda kala duwan waxaana uu sheegay in mashaariicdas badankood ay u fuleen sidii loogu tala galay.

Gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda gobolka Nugaal Cabdixakiim Axmed Ciise oo isna munaasabadan ka hadalay ayaa u mahad celiyay wasaarda beeraha iyo hay’ada CEFA  waxaana uu sheegay in ay si wanaagsan u gudoomeen qalabkan lsla markaana ay ku horumarin doonaan beerahooda.

Ugu danbetntii waxaa soo xiray xafladan wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Maxamud isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qalabkan ay ku wareejisay hay’ada CEFA oo ayna ugu tala gashay Horumarinta beeraleyda Puntland .

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhamaan beeralayda Puntland in ay ka faaiideystaan dhul beereedka baxada weyne ee puntland oo ay sameeyan wax soo saar badan si ay ugu faaideyaan bulshada ku nool deeganada Puntland

Waxaa uu intaas oo ku daray mudane Maxamuud  Xaaji in wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland waxqabdkeeda uu ka duwanaan doono sanadihii hore maadaama ay jiraan isku duubno iyo dadaalo badan oo ay wasaarado wado.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay hay’ada hormarinta beeraha CEFA ay qalab ku wareejio beeralayda Puntland hase ahaatee waxaa ay hay’ado mashaariic caynkan ah ka soo fulisay gobolka Bari iyo deegaana kale oo ka tirsan dawlada Puntland.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe

FacebookTweetShares4

Share Your Comments & Feedback:

Warar kale

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

April 19, 2018 By Mohamed Jeenyo

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobolka Bari-Sawiro

April 19, 2018 By Abdirahman Abdi

Sawiro: Musharax Madaxweyne Puntland Generaal Maxamed Xirsi Moorgan Oo Qardho Lagu Soo Dhaweyay

April 19, 2018 By Mohamud Nadif

Erdogan oo hal sano soo horumariyey Doorashada Madaxweynaha TURKEY

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

About

  • About
  • Contact
  • Advertise
  • Privacy Policy

Recent News

  • Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO
  • Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO
  • Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.
  • Facebook
  • Google+
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube
Copyright © 2018 Horseed Media