golis

Ciidamo Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Ayaa Rasaas La beegsadey Taageerayaasha Musharax Farmaajo

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ayaa maanta rasaas ku furay dibad baxayaal si nabdoon ugu banaan baxayay Fagaaraha Sayidka ee Muqdisho kuwaa oo muujinayay taageerada ay u hayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rasaasta ay fureen ciidamada waxaa ku geeriyoodey 2 ruux oo ka mid ahaa dibad baxayaasha 3 kalena ay ku dhaawacantay.

Ciidamada Rasaasta ku furay dibad baxayaasha ayaa watay gaari uu ku dhaganaa Sawirka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxeyna dadka qaarkiis sheegayaan in arrintaani u muuqato in Ilaalada laga soo diray Xafiiska Madaxweynaha.

Ilaa imminka wax war ah kama soo bixin Madaxda dalka oo ku aadan falka guracan ay geysteen Ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili maanta magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtey Raysalwasaarihii hore ee Dalwadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegey in uu doonaayo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacaya Bishan August dhexdeeda.

Horseed Media