golis

Fahamka Khilaafka Muddada Xilka Ee Goloyaasha Sharciga Ah Ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Doorashadiisa maalin kadib 9/1/2009
Muddooyinkii u danbeeyey waxaa banaanka u soo baxayey in Puntland uu soo wajahayo khilaaf la xiriira, goorta la soo xulayo golaha wakiilada ee cusub isla markaana la qaban doono doorashada Madaxweynaha Puntland, arrintaasi maahayn mid caad saaran yahay, waxaa hadley Isimo, nabadoono, siyaasiyiin, waxaa baaqyo soosaarey beelo gobola wada dega si gooni ah iyo si guudba kuwaas oo dhamaan ka digaya in xilka la kororsado kuna baaqaya in doorasho la qabto.

Maamulka Puntland ee Madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa dhankooda ku doodaya in aan doorashooyin la mid ah kuwii hore la qaban doonin, dalka ay ka hirgelinayaan dimoqraadiyad, shacabku soo dooran doono madaxdooda, muddo sanad gudihiis ahna ay qaban doonaan saddex doorasho taas oo ka dhici doonta 37 degmo ee Puntland leedahay oo ay ku jiraan Laascaanood, Taleex, Buuhoodle, Xudun, Ceerigaabo iyo qaar kale oo badan.

Hadaba si loo fahmo in khilaafkani yahay mid dastuurka lug ku leh iyo in kale waxaa muhim ah in la qeexo arrimo badan:

Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo mid kasta si siyaasadaysan ayey u marin-habaabinayaan dadka, waxaana qolo ka dhigeysaa in muddada xilka la kororsadey, taasna aystan suurtagal ahayn. Halka xukuumadduna ay u dhigayaan dhankooda, nidaamka xisbiyada badan ayaa la diidan yahay iyo in dalka doorashooyin xor ah ka dhacaan, sidoo kale muddada xilka ay haynayaan ayey ee sanadka lagu daray ayey ku tilmaamaan mid dastuuri ah ee aysan ku darsan iyagu.

Dimoqraadiyadda beeleysan ee Puntland waxaa bilaabey Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi kaas oo u asteeyey in Golaha wakiilada la soo xulo bisha November, doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaaniga ahna ay dhacdo 8 Janaayo, waxaa isaguna isla waddadaas qaadey Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi oo aan waxba ka bedelin waddadii uu ku guuleystey.

Waxaa intaas barbar-socdey dastuur la qorey sanadkii 2001, dastuurkaas waxaa si kumeelgaar ah u ansixiyey Baarlamaankii 2001 – 2004, waxaana uu noqdey mid beddalay Axdigii la dhigey asaaskii Puntland 1998, dastuurkaas muddada xilka ee Golyaasha Puntland waxa uu dhigayey in ay tahay 4 sano.

Dhamaadkii sanadkii 2004 ayaa Madaxweynihii Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed (AUN) uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa xilkii Madaxweynaha Puntland si kumeelgaar ah u qabtey Maxamed Cabdi Xaashi iyada oo kuxigeen cusubna la doortey kaas oo ahaa Gaagaab, Xaashi iyo Gaagaab waxa ay isku dayeen in ay xilkka kumeelgaarka ah ka dhigaan muddo sanad ah doorashooyinkana qabtaan dhamaadka 2005, waxaa taas ka hor istaagey Madaxweynaha Puntland ee hadda Faroole oo geed dheer iyo mid gaabanba u korey in aysan arrintaasi socon, taas oo sababtey in xilkii Wasiirka iskaashiga laga qaado loona magacaabo Cismaan Guureeye Kaarshe. Cabdiraxmaan Faroole ayaa daliilka u weyn ee uu ka duulaayey ahayd in la soo dhaafey Mandate-kii Cabdullaahi Yusuf kuna ekeyd 8 August 2004, muddada ay hadda fadhiyaana ayba tahay sharci darro laakiin waxa halkaas soo gaarsiiyey ay tahay shirkii Kenya 2004 ka socdey oo Puntland door weyn ku lahayd. Waa arrin muhim ah in la fahmo in doorashadii Madaxweynaha Puntland ee u horeysey ay dhacdey August, 1998 maalinta Puntland ay tahay 1 August waxa doorashooyinka danbe ay u dhaceen 8 Janaayo, sababtuna waa midda kor ku xusan ee Shirkii Kenya.

Gen.Cadde Muuse waxaa lagu doortey dastuur qabyo ah oo Baarlamaanku si kumeelgaar ah u ansixiyey isla markaana bedalay axdigii Puntland 1998, muddada ay xilka haynayaan goloyaasha dawliguna ay ahayd 4 sano. Mudadii uu xilka hayey Cadde Muuse waxaa dib loo qorey dastuurka waxaana laga bedalay waxyaabo badan, Gen.Cadde waxa uu sameeyey guddi dastuurka ka shaqeeya, Golaha wasiirada ayaa sanadkii 2007 meelmariyey dastuurka, mar kale ayaa dib loogu noqdey waxaana la sheegay in la iswaafajinayo dastuurka Puntland iyo kan Federaalka Soomaaliya, waxaana dhaqaalahaas bixineysey hay’adda Interpeace, waxyaabaha lagu kordhiyey waxaa ka mid ahaa in muddada xilka Madaxweynaha Puntland laga dhigay tan Dawladda Federaalka oo kale 5 sano, xilka Madaxweynaha Puntland waxa uu ka dhamaadey Cadde Muuse isaga oo aan dhamaystirin dastuurkii isla markaana Baarlamaanku aanu ansixin wax-kabedelkii danbe.

Dhex-gal: Haddii madaxweynihii Puntland ee waqtigaas Gen.Cadde Muuse ku guulaysan lahaa sanadkii u danbeeyey xilkiisa 2008 in dastuurka lagu ansixiyo dad la soo xuley, ma heli lahaa in uu faa’iido muddo sanad ah oo dheeraad ah?, Xalay iyo caawa maxaa isaga eg.

Haddaba inaga oo weli ku jirna in aan fahamno khilaafku waxa uu ka dhashey, ayaan udub-dhexaadka sheekada galaynaa, waana qaabkii lagu doortey Madaxweynaha Puntland oo ahayd mid dastuurka waafaqsan, sanadkii 2009 bishii Janaayo ayey ahayd mirkii doorasho Baarlamaani ah Madaxweynuhu ku soo baxay, Dastuurka markaas Puntland u yaaley waa kii bedalay Axdigii 1998-dii, sidoo kale waxaa weli qabya ah kii cusbaa ee kaas wax looga badalay, waxaaana uu yaala barlamaanka, Xilka marka loo dhaarinayo Madaxweyne waxaa loo dhaariyaa muddo cayiman, ee maaha inta noloshiisa ka hartey ama muddo aan la aqoon, Madaxweynaha Puntland isaga ayaa ka jawaabayo muddada xilka loo dhaariyey inta ay ahayd 4 sano, ama 5 sano, haddii ay 4 sano ahayd isla markaana ku adkeysto in uu 5 sano haynayo, madaxweynuhu diyaar ma u yahay in dalka loo dhaariyo muddadaas sanadka ah?, mise isaga oo aan dhaarsanayn ayuu sanadka dheeraadka ah haynayaa si kastaba ha ahaatee waxa uu xilka qabtey hay’ado dhisan, wasaarado shaqeynaya, ciidan amaan, goloyaasha garsoorka iyo weliba dastuur kumeelgaar ah ee maaheyn “Ban-Ka-Ood” ama sida Madaxweynuhu u dhaho “Ban-Ka-Uun”.

Madaxweynaha Puntland ayaa doorashadiisi kadib qabtey hawlo muhim ah oo dastuurka la xiriira, ugu horeyn waxa uu asteeyey Wasiir u gaar ah arrintaas Dr.Jimcaale (AUN), Baarlamaanka Puntland ayaa dastuurka iyo weliba xeerka doorashooyinka meel mariyey sanadkii 2010, waxaana sanadkii 2011 ahaa mid aan tallaabo loo qaadin arrimaha dastuurka oo afti loo qaado ama dadka la baro waxa uu yahay nidaamka asxaabta badan.

Sanadkan 2012 bishii April ayey ahayd markii la isu keeney ergooyin ka badan 400 kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen cod-xanbaarayaal bulshadu soo wakiilatey, isla markaana meel mariyey dastuurka Puntland.

Dhex-gal: Dastuurka Dawladda Federaalka qaabka kan Puntland oo kale ayaa lagu ansixiyey, waxaana lagu tilmaamey mid ku-meel-gaar ah oo sugaya afti dadweyne si uu u noqdo mid rasmi ah, laakiin kan Puntland laguma tilmaamin in ansixitaasi tahay kumeel-gaar lamana sheegin waqti la qaban doono afti dadweyne taas oo rasmi ka dhigta dastuurka.

Halka khilkaafku ka aloosan yahay waa meeshan, dastuurka la meelmariyey muddada xilka waxa uu dhigayaa in ay tahay 5 sano, laakiin su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah ma hay’adaha markaas jira ayuu wafo iyo dheeraad u samaynayaa, mise hay’adaha danbe ee isaga lagu doorto ayuu saameynayaa?

Haddii xukuumadda hadda jirta lagu doortey dastuurkii qabyada ahaa ee baarlamaanku xitaa meel marin ee dhigayey in xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu yahay 5 sano, waa saxsan yihiin waxa loo haystana waa qalad, haddiise lagu doortey, kii lagu doortey Gen.Cadde Muuse, xukuumaddu ha ogaalaato in lagala doodi karo isla markaana nidaam sharci ah lagu kala bixi karo.

Dastuurka Puntland ee bishii April la ansixiyey waxaa la socda lifaaq kaas oo si toos ah u qeexaya in goloyaasha dawliga ah ee Puntland mudadoodu ku egtahay 5 sano iyada oo laga soo bilaabayo maalintii la doortey, waxaa la isweydiinayaa Dastuur maxaa loo sameeyaa? waa in looga baxo khilaaf iyo is qab-qabsi. Lifaaqu dastuurka miyuu ka mid yahay mise kama mid aha?, taas waxaa muhim ah in la hor-geeyo sharci-yaqaano madax-banaan, waxaase la dhihi karaa dastuurka kama mid aha ee waa lifaaq haraya, dano gaar ahna laga lee yahay.

Dhex-gal: Dalka Ruushka ee dhismey sanadkii 1991 markii uu burburey Midowgii Sofiyeeytiga waxaa loo sameeyey dastuur, kaas oo dhaqan galay sanadkii 1993-dii, waxaana Xilka Madaxweynuhu dhigaayey in ay tahay 4 sano, Madaxweyne Putin waxaa xafiiska Madaxweynaha loo doortey laba jeer oo midkiiba yahay 4 sano, sharcigu ma siineyn in uu qabto saddex jeer oo isku xiga, waxaana sanadkii 2008 uu xafiiska keeney isaga oo doorasho dadweyne u maraya Dmitri Medvedev, isla sanadkaas 2008 dhamaadkeedi ayaa la beddalay muddada xilka Madaxweynaha, waxaana laga dhigey 6 sano, Medvedev ayaa sharcigaas saxiixey isaga saameyn kuma yeelan waayo mandate iyo muddo cayiman ayaa loo doortey, waxaana ay saameysey Madaxweynaha ka danbeeyey ee Vladamir Putin oo la doortey sanadkan 2012 mudada uu xilka haynayona ay tahay 6 sano, Ogow Dimoqraadiyadda Ruushku waa mid ka geddisan kuwa dunida reer Galbeedka waana nooc cusub oo loogu yeeri karo Dic-moracy.

Haddaba muddada cusub ee dastuurka Puntland siiyey goloyaasha dawliga ah, ma iyaga ayey saameyn mise cidda ka danbeysa? arintaas dastuurku toos ma u qeexay? maya oo waxyaabaha caynkaas oo kale ah dastuurka laguma dhigo yaa qeexay? waa lifaaqa lifaaqu ma yahay dastuur? mase yahay mid looga bixi karo khilaafka.

Kaba-dhig sida xukuumaddu rabto

Sida Xukuumaddu ku doodeyso lifaaqa dastuurka la socdana qeexayo goloyaasha sharciga ah ee Puntland muddadoodu waa 5 sano oo laga soo bilaabayo maalintii la doortey, taas oo ku eg 31 Okt 2013 Golaha wakiilada, halka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay ugu egtahay 08 Jan 2014. Kadib mudadaas maxaa dhacaya? Jadwalka doorashooyinka iyo mudada uba harsan sida xukuumaddu qabto ma is qaadanayaan? Haddii doorashooyinka lagu soo afmeeri waayo ka hor Janaayo 2014 maxaa dhacaya?

Waa in uu jiraa qodobo qeexaya haddii xukuumaddu ku fulinweydo jadwalka doorashooyinka muddo 14bilood ah gudahood, taas oo dhiirigelinkarta dadka aaminsan in Puntland u gudubto nidaamka xisbiyada maadaama hadda lagu dhici waayey aysana gobolada ka socon qabaanqaabo dadku xisbiyo ku dhisayaan, marka laga reebo Xisbiga Dawladdu wadato, iyo mid ay hadda qabanqaabadiisa lacag ku bixineyso dawladdu, dadka qaarkiis waxay aaminsan yihiin in wax Dimoqraadiyad la yiraahdo aysan jirin ee Faroole doonayo sharci la yiraahdo: ”….Maantana far baa ee mayr’la ee reerka hala negeeyo….”.

Keli-geybaa Guul-wade ah

Ka hor sagaashamaadkii dad badan oo ka mid ah kuwa ku dhaqan deegaanada haatan la yiraahdo Puntland kelmadaha ay nebcaayeen waxaa ka mid ahaa Guul-wade, kelmaddu maaha mid xun ee sida loo adeegsan jirey ayaa ahayd midda ka dhigtey in ay nacaan, Rayaale waxa uu Somaliland ka dhaxley Maxamed Ibraahim Cigaal oo markaas nidaamka xisbiyada bilaabey dastuurkana afti dadweyne ku ansixiyey, Rayaale halkiisi ayuu ka wadey, Siilaanyo oo isaguna Rayaale ka danbeeyey halkeedi ayuu ka wadey isaga oo fursad siiyey siyaasiyiinta in ay xisbiyo cusub furan karaan oo aysan meeshu u xirnaan saddex Xisbi oo keliya ee ay imaan karaan kuwo cusub oo bedeli kara kuwii hore.

Haddii Puntland madaxweyne cusub yimaado maxaa ka hor istaagaya in uu goolka shabaqa ku laado maadaama xukuumadani wax badan soo dhiraan-dhirisey? Xukuumadda hadda iyaduna miyeysan oggolaan karin qof aan iyaga ahayn in uu Guul-wade noqon karo oo dhamaystiri karo hawshii ay soo wadeen, waa nidaamka dawlad wanaaga lagu yaqaan ee kii yimaadaba aanu oraneyn Ban-Ka-Ood weeyaan, midkastana aanu cagta markin geedkii uu beeray, qofku in uu magac ku doono waddo qardajeex ah ama khilaaf uu ka imaan karo waxaa uga fiican in uu oggolaado in uu fursad siin karo in mashruuciisi la dhamaystiro taas ayaana magaca iyo maamuuskuba ku jiraa.

Xalku muxuu yahay?

Puntland maanta uma baahna khilaaf iyo in ay dib ugu noqoto wixii ay horey uga soo baxdey, sidaas darteed waxaa lagama huraan ah in la qiimeeyo khilaafka jira, ku darsasho hal sano iyo nabadda Puntland iyo jirataankeeda kee ayaa culus?.

Haddiiba ay noqoto in fursad la siiyo muddada sanadka ah ee xukuumaddu ku dhegan tahay waa in uu ku yimaadaa wada hadal ”Consultation” iyo is qancin ”Serios debate”, kaas oo shakalaya ama dabar iyo seeto u samaynaya in xukuumaddu haddii ay hirgelinweydo nidaamkaas talada soo celineyso ee aysan dalban karin in mar kale xukunka loo cusbooneysiiyo. Puntland waxay u baahan tahay nidaamkii dawladda Federaalka looga saarey ku-meel-gaarka iyo in loo sameeyo Dhabaha Khariidada (Raod Map) kaas oo kalsooni u noqon kara qofkatsa oo qaba in Faroole sanad iska dhaafe laba sano oo kalena ku darsan doono.

Arrinta kale ee isweydiinta mudan ayaa ah Juqraafi ahaan Puntland wax ma iska bedeleen?, ololihii doorashada sanadkii 2009 ninkasta waxa uu barnaamijkiisa ku darsadey in uu soo celinayo caasimadda gobolka Sool ee Laas-caanood, oo maalintaas ciidanka Puntland ay u fadhiyeen tuulada Ganbare oo jirta laascaanood 30 -40km, laakiin waxaa la is weydiinayaa gobolka Sool oo dhan gacanta Puntland maku jiraa mise maamulo kale iyo Somaliland ayaa uga tugtug-roon? Xildhibaanada 17 gaaraya ee reer Sool halkee ka soo geli doonaan Baarlamaanka magaalada ugu weyn ee Laascaanood sidee doorasho looga hirgelin? sidoo kale qaybo badan oo ka mid ah Sanaag waxaa awood ku yeeshey 4-tii sano ee la soo dhaafey maamulka Somaliland, halka beelaha qaarkood shir ay yeesheen ay sheegeen gebi’ahaanba ay Puntland ka guureen una wareegeen Somaliland.

Ugu danbeyntii maqaalkan waxa uu jawaab hordhac ah u yahay saddex maqaal oo aan uga hadley sanadkii 2011 ”Puntland maka badbaadi doontaa khilaaf danbe oo dastuurka salka ku haya” waxaan aaminsahaya in laga badbaadin karo, jiritaanka, nabadda iyo horumarka Puntland ay ka hormarto doonitaanka shakhsi, ama kooxo gaar ah.

Daabaco Maqaalkan ama soo rogo (Guji halkan)

Ismail Haji Said
Horseed Media