golis

Caasho Geele Diiriye Oo Talooyin U Jeedisey Waxgaradka Puntland

Marwo Caasha Geele Diiriye
Marwo Caasha Geele Diiriye

Talo soo jeedin Ku socota Waxgaradka Iyo Hogaanka dhaqanka Puntland

Gudaha iyo Dibadaba

Walaalayaal Aniga oo ah Caasha Geelle Diriye,ah Muwaadin Puntland,ku sugan Magaalada Gaalkacyo,waxaa meel kasta oo aad joogtaan aan idinku salaamayaa 114ka quraanka cadadiisa,waxaana ilaah idinkaga baryayaa caafimaad iyo cibaado suuban.Salaan ka dib waan hubaa in qoraalkan siyaabo kala duwan loo fasiran doono, qaarkeen dhibsan doono ,qaar kalana maslaxad u arki doonaan.

Runtii aad ayaan u jeclaa in aan ka gaabsado in aan qayb ka noqdo xaaladaha xilligan ka jira Puntland, haddana damaq iiga jira dadkeyga iyo jiritaanka puntland oo dhib badan laga soo marey darteed ayaan ka adkeysan waayey in aan ka indha qarsado yooyootanka,fara isku taagtaaga iyo cariiqsiga ka dhex aloosan dawalda talada haysa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda. Taas oo haddii aan dagdag loo faragalin xal saliim ahna loo helin keeni karta khilaaf siyaasadeed cusub oo saamayn ku yeesha jiritaanka ,nolosha iyo horumarka dadka iyo dalka puntland.

Cududaar: Waxaan ka cududaaranayaa in qoraalkan aan loo arag mid lid ku ah maamulka talada haya ama mucaaradka u taagan in ay Puntland taladeeda u tartamaan,maadaama aanan midkoodna garab la ahayn.

Talo soo jeedintaydan iyo kuwii kale oo lagu laro hadii xoogga la saaro, waxaa dhici karta in xal loo helo khilaafka siyaasadeed oo la isku hayo, go’aano loo dhan yahayna laga qaato si looga baaqsado walaahowga iyo rajaxumada ragaadisay horumarka puntland iyo shacabkeeda xilli kasta oo mudo xukumeedku dhamaado.

Waxaan rabaa in aan dib idiin yara celiyo, si loo fahmo dhibta iyo khilaafka soo noqnoqda iyo sababta keenta,waxaan rabaa in aan sadex qaybood u kala qaado dulucda qoraalkayga,qayb walba oo ka mid ah sadexdaas qayboodna aan sharaxaad kooban ka bixiyo:

Qaybta Koowaad:

  • Maxaa Iman kara haddii xaldoon la’aan lagu gaaro Bilowga sanadka 2013?

Sida aad la socotaan xilligan Puntland waxaa ka jira hardan siyaasadeed oo u dhexeeya dawlada iyo Mucaaradka oo kala taagan labo mowqif oo aad u kala fog, una muuqda kuwo aan la iskaga garaabayn mawqifyadooda,garowsho la’aantaasna ifafaaleheedii mar hore ayuu ka muuqday deegaanada Puntland, waxaana hadda bilowday:

  • In dawalada iyo mucaaradka ka soo horjeeda labadaba hardan ka bilowday,waxaa dhinac walba ka jira diyaargarowgii ugu danbeeyey haday ahaan lahayd ciidan dumid,shirar aan kala kacac lahayn,diyaarin gaadiid dagaal,abaabul falal lid ku ah amniga sida isbaarooyin dad ku dhintay,dhaqaalihii iyo beecmushtarkii oo hoos u dhacay,bayaano isdabajoog ah oo qabiil qabiil iyo xulufo xulufo loo soo saaro,isdhaliilid,furid xisbi cariiqsi ah,hor istaagid dhaqdhaqaaqa mucaaradka ,cabsi saxaafada ka haysa haday baahiso warar ka dhan ah dawlada,dawlada cusub oo ganacsi iyo shaqooyinba loo doontay, sicirbarar, kalaqaybsanaan,goolaaftan iyo wax kaloo badan.
  • Waxaa aan la isku halayn karin amniga Puntland ka jira oo haddii qas yar bilowdo amnigu faraha ka baxayo, cawaaqibkeeda la dareemi karo.
  • Waxaa shaki wayn ka jiraa marjicii hawlahan furdaamin lahaa oo Isim walba mid ka soo horjeeda oo jifadiisa ah lagu saladay si aan waxba u socon,odoyaashii beelahana ay awoodi waayaan in ay maslaxadooda wadajir uga hadlaan.
Qaybta labaad:
  • Maxaa Afartii Sanaba walaac iyo khalkhal siyaasadeed joogto uga dhigay Puntland

Sida aad la wada ogyahayba shacabka Puntland iyo Isimadooduba waxaa ay samaysteen sharci lagu ilaaliyo amaanka dalka iyo dadka, lagu doorto madaxdii fulin lahayd iyo hayadii sharcidajinta ee ilaalin lahaa, haddii khilaaf yimaadana waxaa marjac looga dhigay ismimadii furdaamin lahaa wixii khilaaf ah,nasiib daro sadexdii maamul oo na soo marey midkoodna ma ixtiraamin mucaahidadii lagu heshiiyey,taas oo haddii ay fulin lahaayeen dadka iyo dalkuba horumar hiigsan lahaayaa ,waxaana caado la isku daydo noqotay :

  • In Maamul walba marka xilligiisu soo dhawaado, halka uu diyaarin lahaa nidaamkii maamulka kale u gogol xaari lahaa ,ay u hilaacdo qabyo sugaysa, hawlo ka kala daadsan iyo macaansi kursiga in uusan ka dagin, ayagoo meesha ka saara waxa ka iman kara iyo kutumashada kutubkii ay ummadda u mareen, taasina waxay afartii sanaba mar gayeysiisaa puntland in dadlka iyo dalkuba galaan walwal iyo khalkhal siyaasadeed, halka ay sugayeen in ay u gudbaan horumar ,waxaa caado u noqotay in afartii sanoba mar ay ka walwalaan noloshadooda,mustaqbalka ilmahooda iyo waxa ay ku dambeyn doonaan.
  • Waxaa maamul walba oo la doortay qayb ka noqdeen burburinta hogaanka dhaqanka kaas oo lahaa labo darajo oo is kaaba, oo isimka guud gudoomin jirey go’aamada madaxdhaqameedka kale ( Nabadoonada), kuwaas oo wada shaqayn iyo ixtiraam u dhexeeyey,ayagana maanta koofidii iyo ushii baa ka meel wayey , tiro dhaaf aan caadi ahayn awgiis, waana adag tahay si dib loogu helo isimo ay uga dambeeyaan talada guud.
  • Waad ka dharagsan tihiin,afartii sano ee u horeysay cawaaqib xumida uu keenay khilaafkii dhacay oo ay ku nafwaayeen boqolaal dhalinyaro ah oo aan inta badan curan, hantina ku burburtay.Afartii sano oo labaad oo ayna ay bilaabatay sansaan colaadeed oo kii hore aan wax badan ka badalnayn,Garoowana ay isugu yimaadeen tiro sodon ka badan oo musharixiin hubaysan ah iyo dawladii talinaysay oo mawqifkeedu u kirkirnaa,nasiib wanaag waxaa arimaha noo sahlay xaalada amni oo tan maanta ka badalnayd iyo shacabka oo gacan nagu siiyey in aan khilaaf kale dhicin, maadaama la xasuusnaa dhacdadii hore.Aniga oo ka tirsanaa xukuumadii talada haysay ayna iga go’nayd in aan khilaaf dhicn ayaa si aan kala har lahayn habeen iyo maalin ugu taagnaa in xal loo helo khilaafka si aan dhiig dambe u dhicin,maatadana loogu kor dagaalamin, waxaa mahad balaaran aan u celinayaa madaxwayne Cade Muuse oo ka xumaa in khilaaf kale dhaco ayaan ku adkeeyey in uu go’aan odynimo qaato,mustaqbalka dalkana aanu qofna ugu danayn,ayaa iga aqbalay in uu wadahadalka ogolaado.Madaxwayne Abdirahman oo ka mid ahaa Musharixiintii aan dhinacooda dadaalka xaldoonka ugu jirey wuxuu ahaa ninkii ugu adkaa musharixiinta oo shuruuda koowaad ka dhigay in aan hal maalin lagu dari karin,islamarkaana aan lagu tagrifalan karin miisaaniyada loo siman yahay oo laga xiro dawlada,maantana asaga lagu haysto wuxuu shalay diidanaa,khatartaas ilaahay mahadi waan ka soo gudubnay.
  • Maanta khatarta soo fool leh tii hore waa ka wayn tahay,xilligaas waa laysku garaabayey,madaxwayne noo hiishay oo kaligiis go’aan xukuumadiisii ka qaatayna waan helay, maantase la madaxwaynayaasha ayaa badan,xaalada amni iyo dhaqaaluhuna ka adag xilligaas ,siyaasadaha isbadalay ayaguna tixgalintooday leeyihiin,kala qaybsanaanta jirta lafteedu saamayn wayn ayey leedahay xaalada cakiran..

Qaybta Sadexaad:

  • Maxaa xal u ah dalka iyo dadka Puntland,gaar ahaan shacabka aan waxba galabsan oo lagu kor hardamayo xilli doorasho kasta.

Waxaa la yiri khayr wax kaama dhimee shar u toog hay,anigu ka hadli maayo xukuumada,sanad sheegashadeeda iyo dimoqraadiyadeeda,waxa ii muuqda waxaa weeye wax ka wayn oo ah in ay meesha ay ka baxdo wixii lawada lahaa hadaan dagdag faragalin xaldoon loo helin oo laga wada hadlin waxa danta dalka iyo dadku ku jirto ayadoo aan cidna loogu danaynayn.

Haddaan dagdag loo helin muwaadinin dhexdhexaad ka ah Siyaasada iyo waxa la isku hayo,oo maalkooda iyo waqtigooda u soo hura in ay xal waara raadiyaan xaaladu waa adkaan doontaa.Sidoo kale haddii dawlada iyo mucaaradku aanay daacad kawada noqon xal u helida khilaafka jira,isla markaana aanay xoogga saarin samata bixinta iyo badbaadinta puntland, waxaa imanaysa xilli aan waxna la qaban karin ,arina faraha ka haadey,maxaa yeelay waxaa la yiri balaayo madax la qabtay leedahay ee majo la qabto ma leh .

Xilligaan labada garab kama muuqato sansaan garawshiiyo oo ka dhex abuurma,dawlada waad aragtaan hayaankeeda dimoqraadiyada ayey wadataa,kamana hor cadda in cidi ka hor imaan karto,mucaaradkuna waxaa ka hor cad hala gaaro jan 08.Xaalada jirta iyo caqliga shaqaynaya dhinac walba hadan eegay waxaa uu u eg yahay” Cadkanow ama ku cunay ama ku ciideeyey”,xaabada ku baa’baysaana waa maatada nolosha la xarbinaya iyo ganacsatada hantidooda ku bixiya ,si ay nolol ugu helaan ubadkooda hantidoodiina sicirbarar ka dhameeyey . Xaaladu waa cakiran tahay waxaa indhahayagu arkayaan rag isku jeeda oo danahooda cayrsanaya iyo shacab mustaqbalkooda ka walaacsan.

Shacabka Puntland oo runtii ah dad aad u dulqaad badan,waxay u soo adkeysteen dibindaabyooyinka aan kala joogsiga lahayn ee ay kala kulmaan madaxdooda,Ciidamada nafti hurayaasha ah oo habeen iyo maalin u taagan sugida amniga ayagoo aan bilo mushar qaadan , daryeel kalana ahaysan, ayaa loo hardamayaa in ay qabiil iyo gobol gobol kala noqdaan ,nin walbaana reerkiisa raaco.Anigu maadaama aan dalka ku sugnahay dhibtana u jeedo isla markaana aanan qayb ka ahayn dhaqdhaqaaqyada jira iyo dawlada toona, waxaan muwaadin ahaan talo ku soo jeedinayaa:

  • In loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo oo meel dheer wax laga eego,si xal loogu helida cub iyo cirta socota.
  • In la fahmo isbadalada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo saameynta ay ku yeelan karto hadii khilaafku uu sii daciifiyo awooda dhaqaale iyo amni.
  • In dib loo jaleeco cawaaqib xumadii iyo dib u dhacii puntland uu ku keenay khilaafka siyaasadeed , mudo korosigu iyo boqolaalkii wiil oo ku dhintay,
  • In qof kasta xil iska saaro in aanu taageerin wax dhib keenaya,garabna u noqon cidii ka hortimaada maslaxada dalka oo aan dad iyo dal midna u danaynayn.
  • in waxgaradka ka badbaaday kala qaybinta reer puntland,qabiilka iyo nacfi doonka ay u istaagaan xal u helida khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira dawlada iyo mucaaradka ka soo horjeeda xilliga ku haboon.
  • In ciidamada puntland ay qaataan masuuliyada xasilinta amniga guud,fahmaan in aan la isku adeegsan,la iska hor keenin, lagu jihayn cabsigalinta shacabkooda,isla markaana ogaadaan in ay ciidan u yihiin puntland haddii khilaafku kordhana madaxda ciidamadu go’aan aan dhinacna u janjeerin ka qaataan amniga iyo ilaalinta shacabka.
  • Maamulada Gobolada iyo degmooyinku in aanay sii wayrixin xaladahana sii adkeyn, shacabka ku faragalin inay danta guud ka wada hadalaan caburin la’aan.
  • Musharixiintu in ay sida ugu fiican siyaasadooda xanafta uga ilaaliyaan qaybna aysan ka noqon bilow fowdo,ka qaybqaataan dhinacooda xasilinta amaanka deegaanada ay joogaan,magacoodana aan qof dan kale u adeegayaa wax lagu kharibin.
  • Dawladu waa in ay fahamto in ay jiraan dad ka soo horjeeda oo ka mawqif duwanladana wax ku leh,sidaas darteed aanay iska indha saabin tooduna aysan u cadaan ,waana in ay raadiso qaab lagu wada hadlo,waxgaradkana u qoordhiibato maadaama talada loo dhiibtay.
  • Adeegsiga dimoqraadiyada xilligan oo aan dhab loo fahamsanayn laf ahaanteeda,in aanu noqon wadada lagu burburiyo maamulkii dhibta laga soo marey,khilaafkana sii adkeeya,ee lala sugo xilliga ku haboon,ayadoo waliba aad looga fiirsanayo” maxay noo dhimi kartaa,maxeyse noo siyaadin kartaa xilligan..
  • Madaxwaynaha Puntland , ku xigeenkiisa,iyo raysul baarlamaanka oo iyagu ah kuwa kaliya ee la doortay in ay ogaadaan wixii cawaaqib xumo ka yimaada iska indhatirka xaalada cakiran iyo wixii kharibmana ay masuuliyadeeda qaadayaan , aysana la wadaagi doonin kuwa talo xumada ku dhiirigalinaya oo aan dan shaqsi mooyee mid caam ah u danaynayn.
  • Waxgaradka ku nool wadamada dibada ,isimada soo jireenka ah ee talada lagu midoobay qaybta ka ahaa iyo culumadu in ay xal u helid khilaafka ay dagdag fadhiyo ka yeeshaan gudiyo xaldoon ahna sameeyaan inta ka horeysa sanadka cusubna xal ka madanbeys ah u helaan isfahmawaaga ka jira Puntland.
  • Daneystayaasha aan dad iyo dal midna u danaynayn oo hadalada xanafta leh la taagan ama warbaahinta ka gudbiya wax aan maslaxad u ahayn jiritaanka puntland ama kala taageersan siyaasadaha iska soo hor jeeda waa in ay ka waantoobaan.
  • Saxaafadu waa in ay ku dhiirato ka qayb qaadashada wixii isku soo dhawaynaya shacabka puntland ee aysan garbaha kala raacin.

Intaasi waxaan ku soo gabagabaynayaa iftiiminta khtaraha ku soo fool leh Puntland iyo cabsida shacabku ka qabo marka la gaaro mudada la isku hayo.Waxaan rajeynayaa sidii aan horaba uga afeeftay in loo fasirti iftiimintan sida ugu fiican oo danteenu ku jirto

Caasha Geele Diiriye