golis

Khudbad Loo Diidey In Ay Saxaafadda Garowe Baahiso Maalintii Shalay (Akhriso)

Nabadoon Khaliif –aw Cali Axmed Guddoomiyaha Nabadoonada Gobiolka Nugaal
Nabadoon Khaliif  aw Cali Axmed Guddoomiyaha Nabadoonada Gobiolka Nugaal

Nabadoon Khaliif –aw Cali Axmed oo ka mid ah nabadoonada Gobolka Nugaal isla markaana ahaa Guddoomiyaha Nabadoonada ee Gobolka Nugaal ayaa maalintii shalay khudbad dheer ka jeediyey shirkii Guddiga Doorashadu soo abaabuleen ee ay dadka ku dhiirigelinayeen in ay Xisbiyo furtaan.

Nabadoonka iyo madaxweynaha Faroole ayaa dood adag dhex-martay, khudbadda kadib taas oo la sheegay in madaxweynuhu aad u xanaaqey, waxaana saxaafadda loo diidey in ay baahiyaan khudbadii nabadoonka, waxaana qaar kamid ah suxufiyiintu sheegeen in ay aad ula yaabeen isla markaana is weydiiyeen in ay tahay dimoqraadiyada cusub ee Puntland ka hirgalaysa, haddaba Horseed Media ayaa heshey nuqulka khudbadii nabadoonka hoos ka akhriso:

Warbixin iyo talosoojeedin kusaabsan dhismihii iyo taariikhda puntland

Puntland waxaa la asasay 15 may 1998 iyadoo loo sameeyey axdi ku meel gaar ah oo ka kooban 35 qodob mudadiisuna ku ekeyd 3 sano oo ku beegnayd 15 may 2001 kii wuxuu qorayey qodobkisa 28 aad in sida ugu dhaqsaha badan loo diyaariyo dastuur cusub ka soo lagu ansixin doono afti dad weyne lakiin nasiib daro ma dhicin horay in hawshaas loo qabto waxaana la magacaabay gudiga diyaarinta dastuurka dhamaadkii 2000 isagoo aan si fiican loo dhamaystirin ayaa mudadii ka dhamaatay dawladii markaas jirtay waxayna ansixiyeen barlaamkii markaas jiray 9 june 2001 halkaas oo ay bil sii dhaaftay mudadii xukumadii iyo baarlamaankii markaas jiray afti dadweynana iskaba daa wuxuuna ka koobnaa dastuurkaas dambe 100 qodob tasoo markii dambe sababtay xakuumadii markaas jirtay iyo baarlamaankii inay ku heshiiyaan xili kororsi sharci daro ah taasoo sababtay markii dame isku dhac iyo qalalaaso siyaasadeed laguna waayey naf iyo maal badan.

Waxaa ku xigay dastuur la diyaariyey xukumadii ku xigtay oo ka koobnaa 141 qodob dastuurkaasna isagoo gacanta lagu hayo ayaa xiligii ka dhamaaday maamulkii jiray markaas isagoo aan loo helin afti dadweyne waxaa dhacday in maamulkii markaas jiray uu galay damac kororsi balse markay odayashii dhaqanka iyo waxgaradkii kula taliyeen maamulkii jiray inay doorasho qabtaan una tartamaan xilka kuna kalsoonaadaan nasiibkooda, nasiib wanaag waxay aqbaleen talo soo jeedintii wax garadka waxaana lagaga badbaaday dhibtii horey u dhacday.

Markay la wareegeen maamulka hada talada hayaa waxaa loo baahnaa in markiiba loo hawlgalo dastuur macno leh diyaarintiisana ay ka qaybqaatan khuburo ku xeeldheer arimaha qawaniinta la tashi dheerna lagala sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada ugu damayntana lagu ansixiyo afti dadweyne iyaduna nasiib daro ma dhicin aritaas waxana xiligii dhamaaday iyadoo uusan diyaar ahayn dastuur dadku kuwada qanacsanyahay afti dadweynana lagu ansixiyey.

Sidaas darted waxaan u aragnaa arintaan xili koror si kale oo huwan damac siyaasadeed oo waali ah maxaa yeelay waxaan aamisanahay hadii lahelayo axsaab siyaasadeed iyo doorasho cadadaalad ah waa wax fiican balse xilgaan iyo mid dhaw ma muqato inay suurto gal tahay sababaha soosocda awgood.

  1. Waxaa loo baahan yahay in dadka hubka laga dhigo siloo xaqiijiyo amaanka guud ee dalka
  2. In lahelo dhamaan gobalada Puntland ay ka kooban tahay iyo xuduudoodaba
  3. In loo kala sameeyo dhamaan degmooyinka xuduud ama seere layaqaan
  4. In dadka reer puntland loo helo aqoonsi si loo ogaado qofka codbixita xaqa uleh.
  5. In tira koob lasameeyo dhamaan gobolada degmooyinka tuulooyinka iyo meelkastaoo qof reerpuntland ahi joogo
  6. In wacyi gelin lagasameeyo maalo kasta deegaankasta tuulo kasta iyo baadiye kasta si dadka loogu qanciyo meesha laga guurayo iyo meesha loosocdo
  7. In datuurka lahagaajiyo loonasaaro dadkuxeeldheer loo akhriyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada lagana ururiyo aragtidooda kadibna afti guud lagu ansixiyo
  8. In lafuro markaas axsaab siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad sinaan iyo rabitaanka shacabka.
  9. Waxaan aaminsanahay in aan qodobada korkuxusan lagu qaban Karin mudo sadex sano ah hal sanana warkeedba daa.

Talo soo jeedin

Waxaan ku tlinaynaa in caqligu shaqeeyo meeshana laga saaro mucaarad iyo mu’ayid lagana taliyo xaalada hada taagan silooga badbaado burbur iyo isku dhac dhexdeena ah.

Waxaan kutalinaynaa in la ogolaada wada hadal iyo wadatashi ku salaysan dulqaad iyo isutanaasul sharciga waafaqsan lagana fogaado isqabqabsi iyo tixgelin la,aan.

Waxaan qabnaa in qofkasta oo waxgarad ah loo baahan yahay taladiisa balse aanay duruuftu saamixikarin inloo wada yeero.

Waxaan kutalinaynaa in ay isu yimaadaan hugaanka dhaqanku soona saaraan go’aan waxku ool ah kana tarjumaya rabitaanka shacabka si ayan udhicin iskudhac iyo isqabqabsi.

Ugu damaynta waxaan ugu baaqaynaa dadka reer puntland dawlad iyo shacaba in laga wada shaqeeyo nabada iyo xasiloonida dalka.

Gudoomiyaha Dallada nabadoonada puntland
Nabadoon Khaliif –aw cali axmed————-