golis

Dhalinyaradii ku dhaawacmay mudaharaadkii Qardho oo xaaladooda soo hagaageyso [Dhageyso]

Sahra Ayax Maalintii xabbadu ku dhacdey 23/11/2012

Waxaa muddo laba toddobaad ah ayaa kasoo wareegay xiligii uu dhacay banaanbaxii looga soo horjeeday Xil kororsiga Xukuumada Puntland ee ka dhacay magaalada Qardho maalinimadii Jimcihii 23kii November 2012.

Banaanbaxaasi oo ahaa mid ku bilowday hab nabad ah ayey ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Booliiska rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayey kadib markii ay diideen inay baneeyaan jidkii uu soo mari lahaa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo xiligaasi booqasho ku imaanayey xarunta gobalka Karkaar.

Dowlada Puntland ayaa ayadu wax magdhaw ah weli ka baxin falkaasi ay ku dhaawacmeen afar qof oo dhalinyaro ah, kadib markii ciidamada rasaas ooda uga qaadeen dadkii mudaharaadayey.

Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Amniga Puntland ayaa asagu sheegay in Rasaastii cirka loo riday ay ku dhacday dadka, halka Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu sheegay in mudaharaadkaasi ay dhigeen dad qaswadayaal ah.

Mudaharaadkaasi oo ahaa mid nabad ku bilwoday ayaa rabshado isku bedalay markii rasaasta ay bilaabeen ciidamada oo ay halkaasi dadka ku dhaawacmeen, ayadoo dadkii careysnaa ay markaasi bilaabeen inay shaagaga jidadka ku gubaan ayagoo ka hortagayey ciidamada xabadaha ridayey.

Dhalinyarada dhaawacmay ayaa waxaa dhaawaca culus uu soo gaaray labo kamid ah dhalinta oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Gaalkacyo halkaasi oo qaliin lagu sameeyey.

Hadaba Horseed Media ayey u suurto gashay inay wareysi la yeelato dhalinyaradaasi oo hada xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso.

Sahra Ayax oo Isbitaalka GMC jiifta

Sahra (14 sano jir) iyo Faarax (16 sano jir) ayay rasaastu uga dhacday dhanka lugaha, ayagoo sheegay in hada ay kasoo bogsanayaan dhaawacyadii gaaray.

Dhegayso Codka Sahra Ayax [powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/Wareysi-Sahra-Ayax.mp3″]

Xili Dowlada Puntland ay ku dhawaaqday inay Dimuquraadiyad ka hirgelineyso deegaanada Puntland ayaa waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa habkii ka baxsanaa sharciga ee ciidamadama Madaxtooyada rasaasta ugu fureen dad rayid ah oo si nabad ah ku banaanbaxay si ay fikirkooda u dhiibtaan, kadibna mas’uuliyiinta Dowlada ugu sareysa oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Amniga ay ku tilmaameen dadkii dhibaatada soo gaartay ee shacabka ahaa kuwo qaswadayaal ah, arrintan oo ay si weyn u dhibsadeen shacabka.

Faarax Axmed Oo lagu daweynayo isbitaalka GMC Gaalkacyo

Dhegayso codka Faarax Axmed[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/Wareysi-Farax-Axmed.mp3″]

Falkan ayaa shacabku ku tilmaameen mid ka fog dimuquraadiyada waxa la yiraaho ama Bini’aadamnimada.

Ma jiraan wax magdhaw ah oo ay dowlada siisay dhalinyarada dhaawacyada soo gaaray oo dhamaantood kamid ah Ardayda wax ka barata magaalada Qardho.

Horseed Media
Galkacyo, Puntland, Somaliya