• Facebook
    • Google+
    • RSS
    • Twitter
    • YouTube

Horseed Media

  • Somali News
    • Federal Government
    • Puntland
    • Hirshabelle
    • Galmudug
    • Jubaland
    • Somaliland
    • Southwest
  • World
  • English
  • VIDEOS
  • Contact us
    • About
    • Advertise with us
You are here: Home / Somali News / Federal Republic of Somalia / Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambobaxay Dalka Suudaan

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambobaxay Dalka Suudaan

Posted: Hanad Askar - January 1, 2013

FacebookTweetShares2

safar-madaxweyneMadaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu horkacayo ayaa saakay ka duulay garoonka aaden cadde iyagoo kusii jeeda Magaalada Khartuum ee dalka suudaan.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariim Xuseen, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, W. Dowlaha arrimaha Dibadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Xildhibaanno, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Axmed Macallim Fiqi iyo Saraakiil kale , waxaana garoonka aaden cadde kasii sagootiyay Wefdiga R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon,Wasiirro iyo Saraakiil kale oo ka tirsan DF Somalia.

Madaxweynaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha suudaan Cumar Xasan Albashiir iyadoo labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Suudaan siiso Ciidamada dowladda islamarkaana ay usii dardar gelin lahaayeen Dedaallada lagu xasilinayo Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona Munaasabad lagu furayo Shirkad shidaal oo lagu qabanayo Magaalo kale oo ka tirsan suudaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha safarkiisa Sudan kadib uga sii gudbi doonaa Wadanka Burundi sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia.

waa markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Somalia safar ku aado Suudaan tan iyo markii uu ku guuleystay Xilka Madaxtinimo ee Somalia horaantii September ee sanadkii hore.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

FacebookTweetShares2

Tagged With: President Hassan

Share Your Comments & Feedback:

Warar kale

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

April 19, 2018 By Mohamed Jeenyo

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobolka Bari-Sawiro

April 19, 2018 By Abdirahman Abdi

Sawiro: Musharax Madaxweyne Puntland Generaal Maxamed Xirsi Moorgan Oo Qardho Lagu Soo Dhaweyay

April 19, 2018 By Mohamud Nadif

Erdogan oo hal sano soo horumariyey Doorashada Madaxweynaha TURKEY

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

About

  • About
  • Contact
  • Advertise
  • Privacy Policy

Recent News

  • Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO
  • Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO
  • Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.
  • Facebook
  • Google+
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube
Copyright © 2018 Horseed Media