golis

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Baarlamaanka Midowga Yurub

hassan_euMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta khudbad ka jeediyey Baarlamaanka Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadley hirarkiisa (Visions) iyo waxa uu doonayo in uu Soomaaliyo gaarsiiyo isaga oo sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha dowladiisu muhimadda siineyso. Khudbadda Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn ula dhacay Xildhibaanada Baarlamaanka Midowga Yurub, waxaana qaarkod doorashadii ka dhacdey Muqdisho ee lagu doortey Madaxweyne Xassan ku tilmaameen rajo u sii iftiintey dalalka dhaca Gobolka oo dhan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa kadib weydiiyey su’aalaad aad u badan kuwaas oo la xirira::

Burcadbadeeda
Xuquuqda Aadanaha & Ilaalinta suxiifiyiinta
Weriyaha u xiran Dowladda Cabdicasiis koronto
al-shabaab
Qurbojoogta Soomaaliya
Xiriirka dalalka Dersika ah iyo IGAD
Soo saaridda Kheyraadka Soomaaliya sida batroolka. iyo qaar kale oo badan

Muuaqaal dhamayriran fadhigii Baarlamaanka Yurub uu la qaatey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud linkiga hoose ka daawo

Riix halkan

Horseed Media
News Desk