• Facebook
    • Google+
    • RSS
    • Twitter
    • YouTube

Horseed Media

  • Somali News
    • Federal Government
    • Puntland
    • Hirshabelle
    • Galmudug
    • Jubaland
    • Somaliland
    • Southwest
  • World
  • English
  • VIDEOS
  • Contact us
    • About
    • Advertise with us
You are here: Home / Somali News / Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya dalka Mali

Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya dalka Mali

Posted: Hanad Askar - February 2, 2013

FacebookTweetShares0

Hogaamiyaha kumeelgaarka ah ee Mali  Dioncounda Traoure  iyo Francois Hollande.

Hogaamiyaha kumeelgaarka ah ee Mali Dioncounda Traoure iyo Francois Hollande.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Mali. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona ciidamada Faransiiska ee halkaas ku sugan, waxaana laga sugayaa in uu ka hadlo qorshaha ciidamada Faransiiska ee dalka Mali ku sugan.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirada Arrimaha dibadda, Gaashaandhiga iyo Deeqaha. Afartooduba waxay booqasho ku tageeen magaalada Timbuktu oo ahayd goob dhawaan laga saarey kooxaha islaamiyiinta ah waxaana loogu soo dhaweeyey si wanaagsan.

Faransiiska ayaa doonaya in hawlgalka Mali ay hoggaamiyaan Midowga Afrika kaas oo loogu magacdaray AFISMA.

Booqashada madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamada dalka Mali lagu eedeeyey in ay geysteen xasuuq ka dhan dadka ka soo jeeda waqooyiga Mali ee isugu jira Carabta iyo Tuarega. Boqolkiiba 15 dadka degan Mali ee 16 milyan ah waxa ay ka soo jeedaan qawmiydaha Tuarega iyo Carab waxaana ay degaan saxaraha Waqooyi ee dalkaas, waxaana ay muddo dheer doonayeen in ay ka go’aan Maali inteeda kale.

Hawlgalka hadda Faransiisku hormuudka ka yahay ayaa la filayaa in uu dheeraan doono muddada uu socdo, waxaana dalalka Afrikada Galbeed qaarkood ay ku yabooheen ciidamo ka hawlgala dalka Mali.

Horseed Media
News Desk

FacebookTweetShares0

Share Your Comments & Feedback:

Warar kale

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

April 19, 2018 By Mohamed Jeenyo

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobolka Bari-Sawiro

April 19, 2018 By Abdirahman Abdi

Sawiro: Musharax Madaxweyne Puntland Generaal Maxamed Xirsi Moorgan Oo Qardho Lagu Soo Dhaweyay

April 19, 2018 By Mohamud Nadif

Erdogan oo hal sano soo horumariyey Doorashada Madaxweynaha TURKEY

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

About

  • About
  • Contact
  • Advertise
  • Privacy Policy

Recent News

  • Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO
  • Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO
  • Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.
  • Facebook
  • Google+
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube
Copyright © 2018 Horseed Media