Jaaliyadda Norway oo si heer sare ah u soo dhoweysey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya [Sawiro]

Published: February 29, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa Oslo oo uu halkaas ku joogey booqasho rasmi ah ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway u qabteen xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad gaarayey kun qof oo ka kala yimid caasimadda Oslo iyo magaalooyinka u dhow-dhow. Jaaliyadda Norway ayaa ahaa kuwo si fiican oo heer sare ah u abaabulan sameystayna guddi Soomaali oo dhan ka kooban.

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda sida dumarka, dhalinyarada, oday dhaqameedyada, culumaa’udiinka, aqoonyahanada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway gaar ahaan Oslo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dheer halkaas ka jeediyey oo taabaneysey horumarka Dowladda, xaaladda dalku ku suganyahay, mustaqbalka dalka, Jaaliyadda Norway iyo waxa laga rabo iyo dar-daaran ku wajahan Qurbo Joogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilad sharaf lagu gudoonsiiyey xafladda. Waxaa ka hadlay xafladda Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Ahna Wasiirka Ganacsida iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Ubah oo ka mid ah Xildhibaanada Deegaanka ee Oslo. Waxaana xafladda xiriirinayey Baashe oo isna ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Oslo.

Horseed Media

Xigasho: xafiiska Raysul wasaaraha