• Facebook
    • Google+
    • RSS
    • Twitter
    • YouTube

Horseed Media

  • Somali News
    • Federal Government
    • Puntland
    • Hirshabelle
    • Galmudug
    • Jubaland
    • Somaliland
    • Southwest
  • World
  • English
  • VIDEOS
  • Contact us
    • About
    • Advertise with us
You are here: Home / Somali News / 7 qof oo lagu diley Tuulo ku taala xadka Kenya-Somaliya

7 qof oo lagu diley Tuulo ku taala xadka Kenya-Somaliya

Posted: Hanad Askar - February 21, 2013

FacebookTweetShares0

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dalka Kenya, koox hubeysan ayaa rasaas ku furay goob Masaajid ah Bariga Kenya, waxaana ay ku dileen 7 qof.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaani isugu jireen 5 nin iyo labo Haween ah kuwaas oo lagu diley guryahooda xili ay isu diyaarinyeen Salaadii subax

Macalim Maxamed oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa yiri maanta oo Khamiis ah ayaa koox gaareysa 8 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha Ak47, ayaa weeerar ku qaadey tuulada Malela ee ku taala xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Mohamed oo u waramayey warbaahinta AP ayaa sheegay in sababta ka danbeysa dilkaan ka dhacay Masjidka aan la garaneyn, inkasta oo dalku noqdey mid bartilmaameed u ah kooxaha al-Qaacida, ka tirsan ee Soomaaliya sida al-Shabaab, kuwaas oo horey ugu hanjabey in ay weeraro ka fulinayaan gudaha Kenya.

Weerarka maanta ayaa imaanaya iyada oo doorashadii guud ee dalka Kenya ay ka harsan tahay wax ka yar laba todobaad, waxaana laamaha amniga ee dalkaasi sheegeen in ay jirto khatar weeraro argagixisnimo.

Tan iyo markii Kenya ay gudaha u gashey dalka Soomaaliya isla markaana ay kula dagaalmeen ciidamadeedu al-Shabaab waxaa soo badanayey weerarada, tooska ah iyo qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya.

Horseed Media
Nairobi, Kenya

FacebookTweetShares0

Share Your Comments & Feedback:

Warar kale

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

April 19, 2018 By Mohamed Jeenyo

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobolka Bari-Sawiro

April 19, 2018 By Abdirahman Abdi

Sawiro: Musharax Madaxweyne Puntland Generaal Maxamed Xirsi Moorgan Oo Qardho Lagu Soo Dhaweyay

April 19, 2018 By Mohamud Nadif

Erdogan oo hal sano soo horumariyey Doorashada Madaxweynaha TURKEY

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

About

  • About
  • Contact
  • Advertise
  • Privacy Policy

Recent News

  • Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO
  • Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO
  • Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.
  • Facebook
  • Google+
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube
Copyright © 2018 Horseed Media