• Facebook
    • Google+
    • RSS
    • Twitter
    • YouTube

Horseed Media

  • Somali News
    • Federal Government
    • Puntland
    • Hirshabelle
    • Galmudug
    • Jubaland
    • Somaliland
    • Southwest
  • World
  • English
  • VIDEOS
  • Contact us
    • About
    • Advertise with us
You are here: Home / Somali News / Puntland News / Baarlamanka Puntland oo su’aalo ka keenay miisaaniyad KMG ah oo maaliyadu geysay – Dhegayso

Baarlamanka Puntland oo su’aalo ka keenay miisaaniyad KMG ah oo maaliyadu geysay – Dhegayso

Posted: Abdirizak Shiino - February 11, 2014

FacebookTweetShares51

Wasaarada maaliyada Puntland ayaa maanta horgaysay baarlamanka miisaaniyad KMG ah oo loogu talo-galay in lagu sii shaqeeyo bilaha soo socda, in kastoo xildhibaanadu su’aalo weydiiyeen wasiirka cusub shire xaaji faarax.

Xildhibaanada baarlamanka ayaa wasiirka weydiiyey sababta loo keeni waayey golaha miisaaniyad dhamaystirsan, wasiirka ayaase sheegay in ay taalo miisaaniyadii hore loo dejiyey, balse qorshahoodu yahay inay si dhaqso ah u keenaan miisaaniyad dhamaystirsan.

$3.272.000 kun oo dollar ayaa maaliyadu maanta horgaysay baarlamanka, sida uu saxaafada u sheegay agaasimaha guud ee wasaarada Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo cadeeyey inay tahay mid saddexx biloodle ah.

“Duruufo jira awgood ayaa sababay in la samayn waayo miisaaniyadii sanadka 2014.” Ayuu yiri agaasimaha maaliyada.

Docda kale, Baarlamanka ayaa maanta ku dooday in aan si rasmi ah  loo hirgelin miisaaniyadii hore, xildhibaanada ayaa xusay in shaqaale badan oo ka tirsan dowladda aysan mushaarkii helin.

“Mushaarka waa lagu dadaalaya bixintooda hadii alle idmo, bishii janaayo waa la bixiyey sidaas ayaana rajaynaynaa bilaha soo socda.” Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada ayaa intaas ku daray in ay soo bandhigi doonaan miisaaniyad hagaagsan.

         “Agaasimaha wasaarada maaliyada Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo saxaafada u waramay

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2014/02/Agaasimaha-Guud-ee-Maaliyada.mp3

Wasaarada maaliyada Puntland ayaa baarlamanka ka codsatay in ay dhaqan geliso miisaaniyada saddexda bilood ee sanadka ugu horeeya oo ah mid KMG ah lagana soo min guuriyey tii sanadkii hore ee 2013.

Horseed Media

Garoowe

FacebookTweetShares51

Share Your Comments & Feedback:

Warar kale

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO

Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

April 19, 2018 By Mohamed Jeenyo

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Gobolka Bari-Sawiro

April 19, 2018 By Abdirahman Abdi

Sawiro: Musharax Madaxweyne Puntland Generaal Maxamed Xirsi Moorgan Oo Qardho Lagu Soo Dhaweyay

April 19, 2018 By Mohamud Nadif

Erdogan oo hal sano soo horumariyey Doorashada Madaxweynaha TURKEY

April 19, 2018 By HORSEED STAFF

About

  • About
  • Contact
  • Advertise
  • Privacy Policy

Recent News

  • Boqor Cismaan Buur-madow oo xabsiga loo taxaabay -DHEGAYSO
  • Hargeysa: Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi Ugu Baaqey in uu is-casilo -VIDEO
  • Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.
  • Facebook
  • Google+
  • RSS
  • Twitter
  • YouTube
Copyright © 2018 Horseed Media