golis

Shirkada Soma Oil & Gas oo wajigabax kala kulmay shirkoodii London [Daawo]

Somali_OIL_GAS_1
Shirkada la magac baxday Soma Oil & Gaas oo ah shirkad qandaraas ka heysata Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada London ku qabatay kulan ay ugu magac-dartay Maalgashiga Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya, shirkan ayaa ahaa mid feer socday Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Afrika (Global African Investment Summit 2014) oo isna shalay ka bilowday caasimada UK.

Shirkada Soma Oil & Gaas ayaa shirkeeda soconayey hal maalin (Somali Oil & Gaas Summit) ku qabatay Hotelka Jumeirah Carlton Hotel ee ku yaal London, waxaana lagu galayey lacag gaareysa £1,260.00 balse markii danbe lacag la’aan laga dhigay, kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen shirkadihii waaweynaa ee la casumay.

Somali_OIL_GAS_2Shirkadaha waaweyn iyo saxaafadda caalamiga ah ayaa dhamaantood iska xaadiriyey Shirweynaha Maalgashiga Afrika (Global African Investment Summit 2014) oo ka dhacay Hotel Savoy ee bartamaha magaalada London, kaasi oo ay ka qeyb galeen Hogaamiyayaasha dalalka Afrika.

Shirka Somali Oil & Gaas ayaa ah mid hoos tagta kooxda lagu magacaabo CWC Group oo heshiis kula galay Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud dhanka maareynta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, wallow heshiiskan aan Baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn.

CWC Group

Kooxdan CWC Group waa shirkado yar yar oo laga leeyahay qaarkooda dalalka Afrika iyo Carabaha kuwaasi oo leh isbaheysi ay ku maalgashtaan hadba dalka ay danta ka leeyihiin ama ay rajeenayaan inay dhaqaale ka helaan khayraadka dhulka iyo bada laga soo saaro.

Madaxweyne Xassan oo ka baaqday London

Xassan_Safar_Maraykanka_220914-1Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa lagu casumay inuu ka qeyb galo shirka Somali Oil & Gas balse arrintan ayuu ka baaqday.

Warar laga helayo Madaxtooyada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu sheegay in sumcadiisa ay meel uga dhaceyso inuu noqdo Madaxweynaha kaliya ee ka qeyb galaya shirka Somali Oil & Gas oo ka dhacayey Jumeirah Carlton Hotel, xili ay isla maalintaasi Madaxweynayaasha Afrika ay ka qeyb galayeen shirweynaha ka socday Savoy Hotel oo ahaa mid ay dowlada UK si weyn u taageeraysay, shirkaasi oo si gaar ah loogu casumay Dowlada Puntland wafdi ka socda oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Xassan ayaa shirkada Somali Oil & Gas usoo diray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee DFS Daa’uud Maxamed Cumar oo khudbad lagu akhriyey afsoomali kasoo jeediyey.

Halkan ka akhri dadkii shirkaas lagu casumey < http://www.somalia-oil-gas.com>

Halka ka daawo shirkii Somali Oil & Gas ee ka dhacay Jumeirah Carlton Hotel

Dhinaca kale saxaafada Soomaalida qaarkood ayaa isku khalday labada shir ee shalay ka dhacay magaalada London, iyadoo qaar kamid ah Saxaafada Soomaalida ay sheegeen in Shirka Somali Oil iyo Gas ay ka qeyb galeen hogaamiyayaal Afrika kuwaasi oo ay ku khaldeen madaxdii ka qeyb gashay shirweynihii Africa ee ka socday SAVOY Hotel.

Hoos ka daawo Sawirada Shirweynihii Global African Investment Summit oo maalintii 2aad ka socda SAVOY HOTEL London.

Khalid Yusuf
Horseed Media