golis

Faraniiska oo baaraya diyaarado Drones ah oo Paris hawadeeda lagu arkey

drons

Dad indhahooda ku arkey iyo Booliska magaalada Paris ayaa ku waramaya in ugu yaraan 5 jeer habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta oo Arbaca ah lagu arkey hawada Paris, diyaarado yaryar oo nooca Dronska ah.

Drones-ka dhulka laga hagaayo ayaa si weyn ugu dhawaatey safaaradda dalka Maraykanku ku lee yahay Paris, Madxafka Milteriga, Taawerka dheer ee Eiffeltower iyo goobo kale oo muhim ah.

Booliska ayaa baaraya halka Drones-kan laga soo kiciyey oo laga hagaayo, Boolisku weli kuma guuleysan in ay helaan halka laga hagaayey Drones-ka.

Waxay diyaaradahan yaryar ee dhulka laga hagaayo wel-wel weyn ku beereen laamaha amniga ee Faransiiska, Sidaan oo kale ayaa bishii hore ee Janaayo isla Paris lagu arkey Drones-ka, taas oo dusha ka martey Aqalka madaxtooyada, halka bishii Okrober 2014 diyaarad Drones ah ay dul martey halka laga dhaliyo awoodda Nukliyeerka Faransiiska.

Diyaaradaha yaryar ee Drones-ka ah ayaa ah kuwo aan qiime badan ku kicin, waxaana shirkado badan u isticmaalaan in ay wax ku sawiraan.

Faransiiska ayaa ka wel-welsan in aysan ogeyn halka laga hagaayo in ay yihiin kuwo sawiro caadi ah qaadanaya iyo in ay yihiin kuwo urursanaaya warbixino xasaasi ah.

Khalid Yusuf
Horseed Media