golis

Nin 8 qof ku dilay dalka Czech Republic

72b422f6-dee6-48bc-82ef-07ed749188ae-1020x612Nin bistoolado ku hubeysan ayaa Salaasadii shalay 8 qof ku dilay makhaayad ku taal magaalada Uhersky Brod ee bariga dalkaasi Czech republic.

Dadka weerarkan lagu dilay ayaa ahaa 7 ragga ah iyo haweenay ka shaqeenaysay makhaayada weerarka ka dhacay, waxaana la rumeysan yahay in ninka falkan geystay uu isdilay kadib markuu xasuuqa halkaasi ka geystay.

Illaa iyo hada macadam sababta weerarkan ka danbeysa, wallow la hadal hayo in ninkan uu ahaa nin walaan oo aan si kalasooc lahayn u laayey dadkii ku sugnaa makhaayadaasi.

Abdirisak Shino
Horseed Media