golis

Turkey: 2 diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo soo dhacay

turkish_jetDowlada Turkiga ayaa xaqiijisay in labo diyaaradood oo nooca dagaalka ah inay kusoo dhaceen bartaaha dalkaasi xili ay ku jireen tababar militari.

Diyaaradahan dagaalka ayaa la sheegay inay ka duuleen airportka militariga Turkiga ee magaalada Malatya, waxaana la sheegay inay kusoo dhaceen meel 150km u jirta xaduuda Turkiga iyo Siiriya.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado waxa soo riday labada diyaaradood, shilkasi oo ay ku dhinteen 4 duuliye ee saarnaa diyaaradahaasi.

Balse Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Efkan Alan ayaa meesha ka saaray in diyaaradahan lasoo riday, isagoo sheegay inay u maleenayaan in shilkan uu salka ku hayo dhibaato ka timid dhanka cimilada deegaankaasi oo uu xiliga shilka dhacay ka jirtay ciiriyaamo.

Hanad Askar
Horseed Media