golis

New York: Rag looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin ISIS oo Maraykanka lagu qabtey

Dhexda Madaxa Booliska New York Bill Bratton
Dhexda Madaxa Booliska New York Bill Bratton

Saddex nin ayaa maalintii shalay ee arbacada lagu qabtey dalka Maraykanka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay ka mid noqdaan ururka ISIS ee dalka Siiriya & Ciraaq. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxdey FBI qorshaha labaad ee raggaan ahaa in ay gudaha Maraykanka weeraro ka fuliyaan.

Ninka ugu dhalinta yar nimanka la qabtey ayaa ah 19 jir waxaana uu asal ahaan ka soo jeeda dalka Uzbakistan ee horey uga tirsanaan jirey Midowgii Sofiyeytiga. Waxaa lagu qabtey garoonka diyaaradaha ee JFK magaalada New York, kadib markii uu diyaarad u raaci lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uga sii gudbi lahaa dalka Siiriya.

Booliska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegaya in ay isaga iyo labada nin ee la qabtey ay daba socdeen tan iyo xagaagii la soo dhaafey.

Mid kamid ah nimanka la qabtey ayaa sheegay in ay diyaar u ahaayeen in ay toogtaan Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama.

Waxaa lagu qiyaasaa ciidamo ka badan 20 000 oo ajaanib ah in ay ka mid yihiin ISIS, dalka Maraykana ayaa diiwaan geliyey in ka badan 150 qof oo haysta dhalashada dalka Maraykanka oo ka mid ah ISIS.

Khalid Yusuf
Horseed Media