Hotel Gacayte ee magaalada Bosaso oo dib loo furay

Published: March 16, 2015

Waxaa maanta oo isniin ah dib loo furay hotel Gacayte ee magaalada Bosaso, kadib markii lagu soo kordhiyey dhismayaal cusub oo casri ah. Hotelka oo mar ahaan jirey midka ugu caansan Bosaso ayaa in muddo ah xirnaa.

Hotel Gacayte ayaa waxa uu ku yaala xeebta magaalada Bosaso, Waxaana Hotelka loo diyaariyey in uu noqdo mid nasasho iyo dalxiisba ay ka helaan macaamiishiisu.

Xafladdii lagu furayey hotelka oo ka dhacday mid ka mid ah hoolalka shirarka ee Gacayte hotel ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, xildhibaano, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro, haween, culimo’udiin, ganacsato, saraakiisha amniga Puntland iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha nabadoonada gobalka Bari, C/qaaadir Ibraahim Xarago oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sharaax dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray hotel Gacayte.

…Hotelkan inta uu jiray inkastoo maanta si casri loo dhisay, waxaa lagu qabtay shirar badan oo taariikhi ah ayuu hadalkiisa ku daray nabadoon Xarago.

Guoomiyaha gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in hotelkan uu qeyb weyn ka qaadan doono bilicda magaalada Bosaso, maadaama uu yahay hotel casri ah oo si weyn loo qalabeeyey.

Wasiirka maaliyadda Puntland Shire Xaaji Warsame oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in hotelkan uu noqon doono mid si weyn u soo jiita shacabka Soomaaliyeed, qurba joogta iyo ajanabiga doonaya in ay maalgashadaan dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *