golis

5 Arrimood dartood Soomaaliya dib-ha-uga noqoto dacwadda BADDA ee ICJ!

Xeer ilaaliyaha oo gudbinaya dacwadda
Xeer ilaaliyaha oo gudbinaya dacwadda

Todobaadkan waxaa Soomaaliya ay u gudbisey Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee fadhigeedu yahay The Hague dalka Holland, kiis dacwadeed ka dhan ah dalka Kenya, kaas oo la xiriira biyaha badda ee Soomaaliya oo dalka Kenya si burcadnimo ah ku dhaceen, iyaga oo sheeganaya in ay tahay xuduudooda, isla markaaana ay geliyeen shirkado shidaal ka baara.

Dacwadda Soomaaliya waxaa u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya, Axmed Cali Daahir waxaana goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya fadhiya dalalka la isku yiraahdo Benalux iyo Xarunta Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi.

Soomaaliya waxay xornimada ka hor qaadatey dalka Kenya, waxaana ay ka mid noqotey Qaramada Midoobey (UN) ka hor inta aysan Kenya ka mid noqon, dalkasta oo caalamku ictiraafayo wuxuu lee yahay xuduud, dhul, cir iyo bad ah, marka laga reebo Israil oo iyada xuduudeedu aysan dhamaad lahayn sanadkastana is bedesho marka la eego boobka ay ku hayaan dhulkii carabta.

Cabdiraxmaan cabdishakuur oo saxiixaya heshiiskii muranka lagu geliyey badda Soomaaliya
Cabdiraxmaan cabdishakuur oo saxiixaya heshiiskii muranka lagu geliyey badda Soomaaliya

Ka hor inta aan muranka la gelin biyaha Soomaaliya sanadkii 2009, xiligaas oo xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ee ku-meelgaarka ahayd Wasiirkii Qorsheyta Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu saxiixey heshiis loogu magacdarey is-faham guntiisuna ahayd in muran la geliyo xuduuda biyaha Soomaaliya gaar ahaan dhanka Kenya, biyaha maanta Kenya cabiratey ee ay gelisey shirkadaha shidaalka waxaa loo aqoonsanaa in ay tahay biyaha Soomaaliya, ma jirin sharciyad Kenya u oggolaatey in ay dib u xariiqdo xuduudaha biyaha ee dalalku kala leeyihiin, Inkasta oo Kenya ka faa’iideyseneysey hindise Qaramada Midoobey waddey qaabka dalalku uga faa’ideysan karaan badaha taas oo ku soo aadey xilli Soomaaliya ay burbursan tahay waxaana waddey guddi loogu magacdarey CLCS.

Xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya sanadkii 2009 ayaa ku doodeysey in dib loo calaamadinayo xuduuda biyaha, dalkii aan gudbin bisha May 2009 xadkiisa biyaha ay la wareegi doonito hay ISA, sidoo kale Kenya ayaa Qaramada Midoobey u gudbisey dacwad ka dhan ah qaabka loo xariiqey Xuduuda Soomaaliya, oo aan ahayn mid toos ah.

Heshiiskii muranka badan dhaliyey ee IS-FAHAM sanadkii 2009, waxaa laaley oo waxba kama jiraan ka soo qaadey Baarlamaankii ku-meelgaarka ahaa ee xiligaas, sidoo kale isla sanadkii 2010, waxaa heshiis-kaas waxba jiraan ku tilmaamey Qaramada Midoobey.

Habka ay Kenya dooneyso in Xariiqda loo sameeyo
Habka ay Kenya dooneyso in Xariiqda loo sameeyo

Kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa dib u soo noolaadey damacii Kenya, waxaana soo baxay qoraalo badan oo Madaxweynuhu uu Kenya dib ula saxiixanayo heshiiskii is-faham iyo in badda Soomaaliya iyo Kenya go’aan laga gaaro.

saxiix_fowziya1

Heshiiska cusub ee mar kale Badda Soomaaliya Kenya loo saxiixayo waxaa gashey Fawsiya Xaaji Aadam oo wasiir ka ahayd xukuumaddoo Saacid Shirdoon.

Cadaadis badan oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed ayaa kalifey in Madaxweynuhu uga hadlo qaab uu isku dayayo in uu ku dejiyo xaaladda iyo muranka ka dhashey heshiisyada miiska hoostiisa lagu saxiixey, waxaana uu sheegey in ay difaacayaan badda Soomaaliya, dacwad ka gudbin doonaan Kenya iyaga oo galkooda dacwad geyn doona ICJ.

Dacwadda hadda la gudbiyey ayaa la qorey xiligii Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, inkasta oo aan la gudbin markaas, waxaana ay Kenya fursad u siisey in ay qoraan dacwad aad u culus oo ay ka qaybqaateen Qareemo caan ka ah Adduunka.

Haddaba waxaa dad badan oo Soomaaliyeed is-weydiinayaan su’aalo badan oo ku xeeran dawcadda la gudbiyey, Maxay tahay sababta keentay 55 sano kadib xornimadii Soomaaliya maanta muranka geliyey biyaha Soomaaliya? Soomaaliya ma soo gar-naqsatey? ma ogtahay in ay guul ka keeni karto The Hague? yey ahayd in ay dacwadda gudbiyaan ma qofka wax leh mise kan ku qabsadey?.

Kenya waxay ku doodeysaa xadka ay la wadaagto Tansaaniya qaabka u u yaalo ayaa kan Soomaaliyana loo dhigayaa
Kenya waxay ku doodeysaa xadka ay la wadaagto Tansaaniya qaabka u u yaalo ayaa kan Soomaaliyana loo dhigayaa

Khabiiro dhanka sharciga oo Warbaahinta Horseed Media la xiriirtey ayaa sheegaya in dacwadda Soomaaliya ay gudbisey ay tahay ‘Jeopardize’, weliba ay filayaan in Soomaaliya looga adkaan doono haddii aysan dib ula noqon dacwadeeda ka hor inta aysan bilaban, ama wax ka beddelin qaabka loo qoray.

Khabriiradan sharciga ee Horseed la hadley ayaa ku talinaya in Soomaaliya ay la gudbooneyd in ay dacwad ka gudbiso shirkadaha Kenya ay gelisey biyaha Soomaaliya halkii ay muran maxkamad la geeyo ay geysey biyaheedi taas oo aan la ogeyn cid ku guuleysan doonta.

Shirakaha Kenya gelisey ayaa u badan kuwo laga lee yahay dalka Norway waxaana ay xiriir la leeyihiin xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Shirkadda SOM-OIL ninka Soomaaliya u qaabilsan ayaa ah mid haysta dhalashada dalka NORWAY. Sharci-yaqaanada Horseed la hadley ayaa shaki ka muujinaya in Dowladda Federaalku ay si dadban ula shaqeyneyso Kenya, dhinac ayey iska dhigaysaa in ay badda Soomaaliya difaaceyso iyada oo xaqiiqadu tahay in ay Kenya u xalaleyneyso biyaha Soomaaliya.

Haddaba 5 arrimood dartood miyaaney habbooneyn in Soomaaliya dib ula soo noqoto Dacwadeeda!

1. Dowladda Soomaaliya lama soo dooran

Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya kuma aysan imaan doorasho shacab, waxa ay ku dhisan yihiin nidaam loogu magacdarey hab qaybsiga beelaha Soomaalida, waxaana soo xuley oday dhaqameedyo, looguma yeeri karo ‘Baarlamaan la doortey’ ee waa Baarlamaan la soo xuley, iyaguna waxay doortaan ma noqoneyso mid xanbaarsan codka shacabka oo ka talin kara arrimaha masiirka dalka sida, xuduuda oo ah waxa hadda ay dacwadda ka gudbiyeen, Dowladdu kuma meteli karto shacabka Soomaaliyeed Dacwadda ay gudbisey, marka la raaco go’aankii Baarlamankii kumeel-garka ahaa ee ahaa in aan Dacwaddaas la furi karin ilaa Soomaaliya hesho Dowlad la soo doorto

2. Xaaladda Soomaaliya

Dacwadda The Hague la geeyey waxaa habboon in dib loo soo celiyo marka la eego tabarta iyo awoodda Soomaaliya heerka u garsiisan yahay, waxaana ay dacwaad ka gudbisey dal ciidankiisi Soomaaliya ku sugan yihiin oo ay ka taliyaan qaybo dhulka Soomaaliya ah. Sinaba surto-gal uma noqoteen Soomaaliya oo awood leh ciidankeedi Mariinus-kuna u dhisan yahay in ay Kenya ku dhiirato in ay dib u xariiqdo xuduudii Biyaha Soomaaliya. Xusuuso Madaxweynihii hore ee Kenya Daneil Arap Moi wuxuu horey u sheegay in Kenya aysan sinaba u dooneyn in ay aragto Soomaaliya oo ah dal xooggan sidii uu ahaan jirey, taasna ay khatar ku tahay danaha Kenya, isla markaana ay Soomaaliya soo celineyso riyadii Somali-weyn, maadaama NFD Dowladihii hore ee Soomaaliya u aqoonsanaayeen dhul Soomaaliya leedahay. Haddaba Dowlad cimrigeedu yahay qorax casar joogta maaha in ay furto dacwad caynkaas ah ee dib ha ula soo noqoto.

3. Wadatashi la’aan

Dowladda aan la dooran ee Soomaaliya, waxay dacwaddan gudbisey iyada oo aan wadatashi ballaaran la sameyn umadda Soomaaliyeed ee aayahooda ay taabanayso dacwaddan, maamulada dalka ayeysan kala tashan, shacabka caadiga ah ayaan iyagana waxba laga weydiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamadda Caddaaladda Aduunka waa nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Cabdiqawi Yusuf, waa ninkii u horeeyey ee Soomaaliyeed ee heerkaas gaara, waxaa la sheegayaa Dowladda Federaalku xitaa su’aal kama weydiin dacwaddan ay u gudbineyso xafiiskooda, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga ah haddana uu ka mid yahay dadka ay masiirkooda taabanaysa, taas oo muujineysa shakiga laga qabo in Dowladda Soomaaliya si dadban ula shaqeyneyso Kenya.

4. Kiiska Dacwadda oo ah mid aad u jilicsan

Sharci yaqaano arkey kiiska ay gudbisey Soomaaliya ayaa sheegaya in uu yahay mid aad daciif u ah oo u muuqda mid loogu talo galay in ay Kenya ku guuleysato. Waxaa ka maqan dhamaan taariikhda biyaha Soomaaliya waxaana lagu sheegay in uu dhigaayo in murankan tagnaa muddo aad u dheer!. Haddii dacwaddan sidaas ku bilamato, ka noqod malahan, rafcaana lagama qaadan karo.

5. Baddayda miyaa la dhurayaa!

Ugu danbeyntii ka hor maxkamadda ICJ Kenya ma haysato sharciyad ay ku dhacdo Biyaha Soomaaliya, tallaabo kasta oo ay ku xayndaabato biyaha Soomaaliya ayaa noqonaya Burcadb-badeednimo (Sea Piracy).

Soomaaliya waxaa la gudboon in ay dacweyso shirkadaha sida Burcadnimada ah lagu geliyey Biyaha Soomaaliya, Soomaaliya ay sugto in ta ay dib cagaheeda ugu istaageyso taas oo ah midda kala saari doonta Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kale Kenya waa heli karaa nabsiga Soomaaliya oo waa dal Afrikaan ah, meeday Siiriya, Yemen, Liibiya, Burundida liiq-liiqanaysana kama foga iyaga, hadda ayey waxba ka qaban la’yihiin 50 wiil oo al-Shabaab dhulkooda geliyeen.

Guul iyo guul-darro kasta kiiska dacwaddan jilicsan ee Soomaaliya gudbisey miraha ka dhasha Kenya ha ogaato waxay la gor-gortamayaan Dowlad aan dadkeedu soo dooran ee la soo xuley, haddii ay iyagu yihiin Dowlad shacabkeedu soo doortey.

Su’aashan ayaan uga tegi qofkasta oo akhriste ah maxaa shacabka Soomaaliyeed ka qaban karaan dacwadda aan la ogeyn cid ku guuleysan doonta, ma afkey xiran oo ka aamusin? miyey ka mudaaharadaayaan oo dowladooda daciifka ku cadaadin doonaan in ay la soo labato dacwadda? mise waa ku taageerayaan guul iyo guul-darro wixii ay Dowladda Xasan Shiikh keento.

Horseed Medi 2015