golis

Sweden: Dood cilmiyeed ku saabsan muhiimada tacliinta oo lagu qabtay Eskilstuna

oped

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.

Eskilstuna SomaliskaDood cilmiyeed aad u qiimo badan oo ay soo abaabuleen ururka isutaga dhalinyarada soomaaliyeed ( somaliska ungdomsnätvärk) ayaa 22 dec 2015 lagu qabtay magaalada Eskilstuna.Dooda waxaa lagu qaadaa dhigaayey sababaha keena in ardayda soomaaliyeed ee tacliinta guusha ka gaara una gudba jaamacadaha ay aad u yar yihiin. Waxaa kaloo la soo bandhigay xalka arrinkaas laga gaari karo.Dooda waxaa ka qaybgalay dhalinyaro isugu jira kuwa jaamacada dhameeyey, kuwo haatan ku jira tacliinta iyo qaar u diyaargarobaya iney galaaan jaamacadaha. Waxaa kaloo goobjoog ahaa macalimiin, waalidiin iyo dadweyne fara badan. Dood dheer ka dib dhowrkan arrimood ayaa loo aqoonsaday iney dhibta saldhig u yihiin.

  • Guriga ama qoyska: Kaalinta qoyska uu ka qaato horukaca tacliinta ardayga ayaa dalkaan iswiidhan aad u balaadhan. Qoysaska soomaalida ayaan badankood ahayn kuwo tacliin dheer leh, taasoo keentay iney adag tahay in ardaygu helo kaalmo iyo talo ku wajahan tacliinta.
  • Iskudhac laba dhaqan: waxaa jira jahwareer guud oo haysta dadka soomaalida ah guud ahaan. kaasoo ah jahwareer ka dhasha iskudhaca labada dhaqan tacliimeed ee soomaaliya iyo iswiidhishka. Qaabka iskuuladubu dhisan yihiin, qaabka wax loo baro ardayda,qaabka qaabilaada waalidka, qaabka loo dhaqmo kolka iskuulka la joogo. Qaabka macalimiinta loo weydiiyo waxyaalaha ardaydu ku liitaan ayaa dhamaanba ka duwan nidaamkii iskuulka soomaaliya ee waalidku kusoo barbaaray.Waxaa kaloo isku dhacaasi ka jiraa qaybaha kale ee bulshada.Waxaa kaloo isku dhaca arrimhaas ka yimaada uu saameeyaa ardayga waxbaranaaya iyo qoyskiisaba.
  • Ardayda oo dalka yimid wakhti dame: arday badan ayaa dalka yimid iyagoo ka weyn 12 sano , isla markaasna aan wax iskuul ah oo fiican ku soo dhigan dalkii hooyo. Maadaama ay tacliinta dalkan sweden ku salaysan tahay da’da waxaa ardayga cusub loo geeyaa arday ay isle’ eg yihiin balse waxbarsho ahaan aad uga sareeya. Halkaas waxaa ardaygii soomaaliga ahaa kaga dhaca niyad jab aad u weyn oo dhaliya inuu tacliintii dayaco ama ka tago.
  • Dhaqaale: Dhaqaalaha qoysaska oo inta badan aad u hooseeya ama ku baxa meelo aan tacliinta ahayn taasoo saamayn ku yeelata horukac tacliimeedka ilmaha.
  • Dadka lagu daydo oo aan badnayn( rolemodels). Dadka tacliinta meelaha sare ka gaaray ama u ololeeya ayaa yar ama aan ka dhexmuuqan bulshada inteeda badan. Taasoo keenta in ilmuhu ku daydo dad kale oo aan ehel u ahayn tacliin iyo horumar.
  • Waalidka qaarkiis oo ilmaha u doora tacliin uu waalidku jecel yahay, sida dhakhtar, injineer iwm balse ay dhacdo in ilmuhu aanu isagu rabin tacliintaas, halkaasna uu niyadjab iyo isfaham laàani ka timaado. Waalidku dadaal ayuu arrinka ka wadaa balse qofka shaqada qabanayaa waa ardayga sidaas darteed waxaa haboon in la weydiiyo ilmuhu waxa uu doonaayo inuu barto oo uu kecel yahay, ka dibna taas lagu kaalmeeyo.
  • Bulshada soomaaliyeed oo ah mid kala daadsan, kala qaybsan qaybsan, hadana kala shaikasan : Inta badan iskuxirnaanta bulshada soomaaliyeed ee dhinaca tacliinta ayaa aad u hooseeya. Meelaha jaaliyaduhu sameeyaan ( community centers) ayaa intooda badan aaney ahayn meelo tacliinta ehel u ah, oo caruurya duruusta looga caawino ama talooyin lagu siiyo. Waxaa jira kala shakisanaan dhexgashay dhamaan ummada soomaaliyeed, taasoo keentay iney adkaatay in wax la wadaago. Bulshada ayaa caqligeeda iyo fekerkeeda iyo dhaqaaleheeda uu inta badan ku wajahan yahay arrimaha ka dhacaaya dalkii hooyo ee soomaaliya.

Xalku muxuu noqonayaa ?

Arrimo kale oo dhibaatooyinka qayb ka ah ayaa laga dooday balse muhiimadu waa intaan aan kor ku sheegay. Haddaba xalku muxuu noqonayaa?

  • In dhalinyarada waxbaratay, macalimiinta iyo waxgaradka jecel horumarka tacliinta ay iskaashadaan si ay talo tacliimeed iyo kaalmo waxbarasho iyo warbixin u siiyaan dhalaanka waxbaranaaya iyo waalidkoodba. In arrinka laga bilaabo dhowr kulan oo wacyigelin ah si dhibta dhamaan dadka loogu faahfaahiyo.
  • In loo guntado siddii loo furi lahaa goobo waxbarasho oo caruurta soomaaliyeed maadooyinka lagaga caawino.waa inaan isku tashanaa , bulshaduna noqotaa mid isku xiran oo awooda saarta soosaaritaanka iyo kobcinta taliinta dhalaanka. Waa in kala shakigu dhamaadaa.
  • In dhalinyarada jaamacadaha dhigata ama geleysaa ay samayeeyaan bandhig aqooneed iyagoo la kaashanaaya macalimiinta soomaaliyeed. bandhig aqooneedkaas ayaa ah mid lagu dhiirigelinaayo ardayda jidka kusoo jirta. Ardayda jaamacada dhigta ama heerka gaaray ayaa ka warami doona jidkii ay tacliinta u mareen iyo caqabadaha imaan kara.
  • Dhiirigelin in la siiyo waalidka. ilmahana la weydiiyo waxa isagu uu doonaayo. inuu barto, ka dibna kaalmo lala garab istaago.
  • In macalimiinta soomaaliyeed ay iskuulada u sharaxaan dhibaatooyinka haysta ardayda soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaana kuwa yimid dalka iyagoo waaweyn.
  • Inaan maalgelino ardaydeena, inagoo samayneyna wax walba oo awoodeena ah ee aan kor ugu qaaadeyno niyadooda iyo ta liintooda. Waxaa lasoo qaaday dardaaranka caanbaxay ee sh mustafa X ismaaciil Haaruun ee ahaa: Guryaha la dhisaayo haloo kaadiyo ee bal hala shiso ilmaha si uu isagu mustaqbalka guri u dhiso”

Dood cilmiyeedka noocaan oo kale ah ayaa ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto degmada Eskilstuna. Waxaa nagala soo qaybgalay dad qiimo leh oo kakala yimid magaalooyinka, Stockholm iyo Västerås. Marti sharafka waxaa ka mid ahaa Abwaanka soomaaliyeed ee Maxamuud Jaangow oo ka yimid wadanka Ingiriiska , booqasho gaabana ku yimid Eskilstuna. Waxaa uu abwaanku soo jeediyey gabayo iyo kelmadu qiimo leh oo ku wajahan muhiimada tacliinta. Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dadkii dadaalka ku bixiyey qabsoomida iyo habsami u socodka dood cilmiyeedkii tacliinta.

Mahadsanidin

Qore: C.risaaq Maxamed Xuseen ( ina xuseen dheere)
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna,sweden