golis

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howl galadii ciidanka Danab ay ka fuliyeen Jubbada dhexe.

cidanWasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo sartay kaga hadashay howl gala ciidamada DANAB ay ka fuliyeen Gobolka Jubadda dhexe, kuwaasi oo lagu bartilmaadsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku bur-buriyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmadda Sunguuni ayaa ah, mid strateji u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.

Sidoo kale how galka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey ayaa lagu gubay Gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab.

Howgalladan oo ahaa mid is daba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah ururka Shabaab, waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib loo faah-faahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.

Faafin Horseed Media