golis

Gobolka Awdal oo ku guuleystay tartankii ciyaaraha Somaliland

tartanWaxaa la soo geba-gebeeyay tartankii ciyaaraha gobolada maamulka Somaliland, iyadoo tartankaasi ay ku guuleysteen kooxdii ku ciyaaraysay magaca gobolka Awdal.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka kubadda cagta ee gobolada Somalilan ayaa waxaa isgu soo haray gobolada Awdal iyo Saaxil, waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, siyaasiyiin, ganacsato iyo bulshada qeybaheed kale duwan.

Xulka kubadda cagta Awdal ayaa labo iyo hal kaga adkaaday xulka gobolka Saaxil, kadib ciyaar la isku weydaarsaday weero iyo weerar celis, waxaana ayna ka dhigan tahay markii ugu horeysay oo ay ku guuleystaan tartankankan  gobolka Awdal.

Shahaado sharaf iyo abaalmarino kale duwan ayaa la gudoosniiyey ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa intii uu socday tartanka.

Madaxweynaha Somalinad Axmad Siilanyo ayaa sheegay in tartankan uu qeyb weyn ka qaadanayo is dhexgalka bulshada Somaliland.

Deegaanada Somaliland ayaa sanad walba tartankan oo kale laga qabtaa.

Horseed Media 2016.