golis

Faarax Cabdiqaadir, Cabdirsaaq & Sanbaloolshe oo ku soo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose – VIDEO

jowhar-xildhibaano-aqalkahoose2016-1
Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa waxaa ka bilowday doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday Jowhar waxaa ku soo baxay shan xildhibaan oo ka mid noqonaya 37 xildhibaan ee ka imanaya deegaanada maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanada la shaaciyey ee ku guuleystay ayaa waxaa ka mid ah Maxamad Ibraahim Qoono, Faarax Sheekh  Cabdiqaadir, Cabdullaahi Maxamad Cali Shanbaloolshe, Cabdirisaaq Cumar Maxamad iyo Khadiijo Maxamad Diiriye.

Xubnaha guuleystay ayaa ka mid ahaa xildhibaano markii hore la saadaliyay in ay guulaysanayaan, maadaama ay taageero ku lahaayeen gobolada ay ka soo jeedaan iyo dowlada wakhtigeeda dhamaaday, waxaana ay dhamaantood kamid ahaayeen Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday.

Sidoo kale xubnaha guuleystay ayaa saxiibo dhow la ah Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Horseed Media 2016.