golis

Taliyaha Cusub ee Booliiska Gobolka Nugaal Oo Xilka La Wareegay-Sawiro

Bidix taliyaha cusub Xinjir Dhuuq iyo Taliyihii hore Qanqaan
Bidix taliyaha cusub Xinjir Dhuuq iyo Taliyihii hore ee qaybta  Qanqaan

Taliyaha cusub ee booliiska gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamed Aw-xuseen (Xinjira dhuuq) ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore Cabdiraxmaan xaaji (Qaanqaan).

Kullankii xilwareejinta oo ka dhacay xarunta booliiska ee magaaladda Garoowe, waxaa ka qaybgalay Taliyaha ciidanka booliska Puntland Cabdirisaaq Shire Faarax (Ereg), Guddoomiyaha Gobolka nugaal Cumar cabdullaahi Farowayne, Wasiir k/xigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin, Xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha booliiska

Taliyaha hore oo ugu horrayn ka hadlay kullanka ayaa ka sheekeeyay waxqabadkiisa mudadii uu shaqada hayay, isagoo sheegay inuu meel hoose uu wax ka soo bilaabay, meel wannaagsan uu keenay taliska qaybta. Wuxuu kula dardaarmay taliyaha cusub in halkaa ka sii wado shaqada baaxada leh ee qaybta Gobolka Nugaal.

Taliyaha cusub ayaa dhiniciisa uga mahadceliyay taliyaha hore howlaha uu ka qabtay taliska mudadii uu xilka hayay, wuxuuna dalbaday in saraakiisha booliiska iyo qaybaha kale  ee dowladda ay gacan ka siiyaan sidii uu gudan lahaa waajibaadka qaran ee saaran

Dhinac kale,Taliyaha Booliska guud ee Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg), oo ka xilwareejinta hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay taliyihii hore sida sharafta iyo hufnaanta leh ee u wareejiyay xilkii iyo agabkii kale ee qaybta. waxaa kaloo uu kula dardaarmay taliyaha cusub inuu dardargaliyo howlaha taliska qaybta oo uu xilkiisa u guto si masuuliyadi ku jirto.

20161119_103924 20161119_103840 20161119_104303 20161119_1039421

Horseed Media 2016