golis

Shaqaaqadii Jowhar ee Doorashada Xildhibaanada oo la baarayo

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir
Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir

Waxaa weli hakad ku jirta doorashadii Aqalka ee Hoose ee Xildhibaanada Soomaaliya ee Hirshabeele ee ka socotey magaalada Jowhar, kadib markii shaqaaqo halkaas ka dhacdey oo rasaas la isku weydaarsadey hoolka doorashadu ka dhacaysey.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaankaas uu la wareegay Xeer ilaaliya Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Magaalada Jowhar waxaa maalintii shalay isugu tegey dhamaan saraakiisha laama amniga ugu sareysa, sida Taliyaha Booliska, Taliya Nabad sugidda, sidoo kale waxaa tegey Jowhar Ergayga Qaramada Midoobey iyo Guddoomiyaha Doorashooyinka si looga hortago in gacan ka hadal uu hareeyo Doorashada.

Maamulka Hirshabeele ayaa dhawaan loo doortey Madaxweyne iyo ku-xigeen waana labada qof ee keliya ee maamulkaas ka jira, marka lagu daro Xildhibaanada la soo xulay, waxaana shaqadiisi dhameyd loo weeciyey in ay hirgeliyaan doorashada labada Aqal, taas oo sababtey in marar badan la isku dhaco.

Horseed Media