golis

Jowhar: Saddex Xildhibaan oo Ku Soo Baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Doorashada Aqalka Hoose ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka socotay magaaladda Jowhar ee magaalada madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ku soo baxay saddex Xildhibaan oo maamulkaasi u matalaya Barlamaanka soo socda.

Cabdirisaaq Axmed Maxamed ayaa ku guulaystay xubnimadda aqalka hoose, wuxuuna helay 28 cod, halka murashaxii la tartamayay uu helay 23 cod oo qura.

Kursiga labaad ee maanta oo ay ku tartamayeen Labo dumar ah, waxaa 32 cod ku guulaystay Maryan Axmed Haaruun, halka Zamzam Ibraahim Xuseen ay heshay 18 cod.

Kursiga saddexaad ee doorashadda , waxaa ku guulaystay Maxamuud C/laahi axmed oo kus oo baxay 38 cod, isagoo ka adkaaday Cali Xasan Cusmaan uu helay 9 cod.

Doorashadda aqalka hoose ee Hirshabelle ayaa ilaa iyo hadda waxaa la doortay 24 xildhibaan oo ku soo baxay barlamaanka Soomaaliya, waxaana dhiman 13 xubnood oo lagu wado in la soo doorto maalmaha soo socota.

Horseed Media 2016