golis

Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre oo ku soo baxay doorashadii Jowhar ee Aqalka Hoose

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kamid a nowdey 5 Xildhibaan oo lagu doortey magaalada Jowhar.

goodax_2

Xildhibaan Goodax ayaa kursigiisi marar badan dib loo dhigey waxaana subaxnimadii maanta markii doorashadiisu dhici lahayd hoolka doorashada ka baxay Guddoomiyaha guddiga doorashade ee Hirshabelle, kadib markii ay u muuqatey in Goodax Barre uu soo baxayo. Dad ku dhaw Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee Hirshabelle uu ka amar qaato Villa Somalia, kuwaas oo aan dooneyn in uu soo baxao Cabdullaahi Goodax Barre.

Goiodax Barre ayaa ku soo baxay 32 cod, waxaa la tartamey nin lagu magacaabo Bile Xasan oo helay 18 cod oo keliya. Xildhibaan Goodax Barre ayaa siyaasad ahaan ay aad u kala fogyihiin Xasan Sheekh Maxamuud, marka la eego dhismaha maamulka Hirshabeele.

Xildhibaanada kale ee maanta laguy doortey Jowhar waxaakamid ah saddex gabdhood iyo nin kuwaas oo kala ahaa

Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
Drs. Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.

Horseed Media