golis

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

jowharMagaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle-Soomaaliya ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafdiga waxaa magaalada ku soo dhaweeyey madaxda ugu sareysa maamulka HirShabeelle.

Wafdigan ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa,.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulamo la qaadan doona guddiyada doorashooyinka ee ku suga magaalada Jowhar.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa kala hadli doona maamulka HirShabeelle arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka magaalada xiliga doorashooyinka.

Magaalada Jowhar waxaa ka socda doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose ee dowladad Soomaaliya.

Horseed Media 2016.