golis

Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Oo Ka Horyimid Go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka

nuux

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa kahor yimid go’aankii guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay ku baabiyeen doorashada  11 xildhibaan oo 2 ka mid ah lagu doortay magaaladda Jowhar

Madaxweynuhu wuxuu sheegay indoorashadoodii  jowhar ku qabsoomtay ay  si cadaalad ah u dhacday, islamarkaana aysan jirin cid awood loo sheegtay ama wax lamid ah.

Wuxuu sheegay in ayan marnaba aqbali  doonin in xildhibaan hore loo soo doortay aan  dib loogu laabanayn doorashadiisa, isagoo tilmaamay in doorashada ay goob joog ka ahaayeen guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer Gobol.

“Annagu dadkii aan soo dooraney waan naqaanaa, dad haddii kursiga u suurtageli waayo wax sheegaa wey jiraan, laakiin xaqiiqda waxa ay tahay annaga dadka aan soo saarnay waa dad deegaanka mateli kara oo aan ku qanacsannahay, ergadii doorateyna wey joogaan, cid aan ka yeeli doonno xildhibaan aan soo doorannay hala bedalo ma jirto” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laaahi Cosoble ayaa xalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho wuxuu  shahaadooyinka aqoonsiga xildhibaannimo guddoonsiiyay  xildhibaannadii lagu soo doortey magaalada Jowhar oo ay ku jiraan xubno uu laalay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Dhinac kale , Guddiga doorashada dowlad goboleedka K/galbeed ayaa ka hor yimid go’aankii shalay guddiga khilaafaadka doorashooyinka ku laaleen 11 kursi oo aqalka hoose oo shan ka mid ah lagu soo doortay magaaladda Baydhabo

Guddiga oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in musharraxiin laga guuleystay ay dacwadahan u gudbiyeen guddiga khilaafaadka, balse ka guddi ahaan ay caddeenayaan in go’aankaasi aanu dhankooda khusayn.

Hoos ka akhriso qoraalkii guddiga doorashada maamulka Koofur Galbeed

kgalbeed

Horseed Media