Muqdisho:Xubno Cusub oo Ku Soo Baxay Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka

Published: January 1, 2017
Fowsiyo Xaaji Aadan oo Ku Soo Baxday Aqalka Hoose

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid noqotay xildhibaano maanta ku soo baxay inay ka mid noqdaan xildhibaanada aqalka hoose ee Balamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada lagu doortay magaaladda muqdisho maanta waxaa ka mid ahaa Muuse Siciid jaamac oo 48 cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2cod

Fowsiyo yuusuf Xaaji Aadan, oo ay la tartamayeen afar murashax ayaa 45 cod kaga guuleysatay Ismaaciil Xasan jaamac oo helay 1 cod helay halka Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Caasho Aadan Yuusuf ayan wax cod ah helin.

Kursiga saddexaad ee lagu tartamay, waxaa ku soo baxay Ridwaan Xirsi Maxamed, Shukri Faarax Cilmi,Baarliin Xasan Qalinle iyo C/fitaax Ismaaciil Daahir, waxaana ku guulaystay Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo helay cidadka 46 ergay oo kursigaas u codeeyay, iyadoo 5 xubnood ay ka maqnaayeen goobta doorashadda

doorashadda Aqalka hoose ee barlamaanka ee goboladda waqooyi oo hadda maraysa heer gabogabo ah, ayaa dhowr jeer hore la joojiyay ka dib markii gacan ka hadal iyo wax isdabar marin ay ka dhacday, waxaa kaloo aan weli la qaban doorashadii aqalka sare ee barlamaanka federaalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *