Turkey: 39 qof oo lagu diley weerar ka dhacay Istanbul, xuska sanadka cusub

Published: January 1, 2017

Qof ku labisan dharka Odayga Kirismiska (Santa Claus) ayaa weerar ku diley ugu yaraan 39 qof oo ku damaashaadayey goob lagu caweeyo habeenkii (Night Club), magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Weerarka ayaa dhacay saacad kadib markii sanadka cusub dhashey waxaana uu ka dhacay Kilaabka Reina kaas oo ku yaala goobaha ugu qaalisan Istanbul. Qofka weerarka qaadey ayaa ugu horeyn diley nin Boolis ah oo waardiye ka hayey goobta caweyska ahayd, sida uu sheegay Barasaabka Istanbul.

Sida wararku sheegayaan goobta caweyska waxaa ku sugnaa dad ka badan 700 oo qo kuwaas oo u dabaaldegaayey xuska sanadka cusubf, qaar kamid ah ayaa biyaha ku boodey markii ay maqleen rasaasta. maadaama Maqaaxida caweyska habeenkii ay saarneyd meel Kanaal ah.

Dadka lagu diley weerarkan waxaa kamid ah 16 qof oo ajaanib ah iyo 5 qof oo Turkish ah sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

Waxaa weli si xawli ah u socda baadigoobka qofkii weerarka soo qaadey.

Magaalooyin ka waaweyn ee dalalka reer Galbeedka ayaa si weyn loo adkeeyey a mniga iyada oo laga cabsi qabey in ay dhacaan weeraro kan oo kale ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *