Booliska Israel oo su’aalo weydiidey Raysalwasaare Netanyahu

Published: January 3, 2017

Booliska dalka Israel ayaa su’aalo weydiiyey Raysalwasaare Benjamin Netanyahu muddo saddex saacadood ah maalintii Isniinta. Netanyahu ayaa lagu tuhunsan yahay in uu laaluush ka qaatey laba qof oo ganacsato ah.

Waraysiga Boolisku la yeesheen Netanyahu ayaa ka dhacay guriga uu ka degan yahay magaalada Qudus.

Netanyahu ayaa sheegay in aanu denbi lahayn, horey ayaan u sheegay ma dhacayso in arrintaani saameyso xilka aan hayo ayuu yiri Netanyahu.

Baaritaanka Boolisku wado ayaa bilo soo socdey waxaana ay waraysi la yesheen dad ka badan 50 qof oo markhaantiyaal ah.

Ganacsadaha weyn ee Ronald Lauder ayaa kamid ah kuwa lagu tuhunsan yahay in ay laaluushka siiyeen Netanyahu, waxaana uu ka bixiyey safaro gaar ah, si uu ugu fududeeyo arrimo ganacsi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *