Cumar Cabdirashiid oo kulan la qaatey Xildhibaanada DOwladda Federaalka ee ka soo jeeda Somaliland -SAWIRO

Published: January 3, 2017

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta oo Salaasa ah qado sharaf u sameeyey Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana uu kala hadley ol-olaha doorashada Madaxweynaha uu ugu jiro.

Murashax Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay inta la helayo midnimo dhamaystiran iyo is cafis guud oo bulshada Soomaaliyeed dhex mara in wali wax badan ay ka dhiman yihiin wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuna ka codsaday Xildhibanada ka soo jeeda deegaanada Waqooyi in codkooda ay siiyaan si uu hadafkaasi u gaaro.

“…..Waxaan qabaa in shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ay dhibaatooyin badan kala gaareen haddii aan Siyaasadda saxno wax walba waa ku guuleysan karnaa. Waxaan xooga saari doonaa haddii alle ii qadaro xilka aan raadinayo midnimada ummadda. Arrinta Soomaaliland waa in si buuxda loogala tashadaa dadkii ay taladu ka go`day waana arrimaha mar walba fashilka keenayay intii aan xilka Raiisul Wasaaraha hayay waxaan aad xooga u saarnay in talada ay ka go`do dadka arrintan sida gaarka ah quseyso….”ayuu ka yiri Xafladdii qadada Cumar Cabdirashiid.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi oo kamid yihiin Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Xildhibaan Fowziya Xaji Aden, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir iyo Xildhibaano kale oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra`iisul Wasaaraha booqashada uu ku yimid guriga Midnimada iyo qado sharafta uu sameeyey.

Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood ayaa Aabaha dhalay Musharax Cumar, rabbi ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku tilmaama in uu ahaa saaxiib aad ugu dhaw oo wax ka beddeley hab qaybsiga xillalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *